Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe dallad dhinaca waxbarashada qaabilsan ayaa fursado waxbarasho oo bilaash ah siisay 450 carruur ah oo ay dhaleen qoysas danyar ah. Carruurtan waxaa ku jira kuwa ay qoysaskoodu ka soo barakaceen tuulooyin hoostaga Jowhar.
Waxaa sidoo kale ardaydan loo qeybiyey agabkii ay wax ku baran lahaayeen oo ay ku jiraan buugaagta iyo unifoomka iskuulka.
Warbixin ku saabsan fursaddan iyo ahmiyadda ay u leedahay ardayda waxaa Jowhar ka soo diray weriyaheena Maryan Sheekh Cabdi.