Saddex bilood oo biyo yaraan ay ka jirto degmada Waajid ee gobolka Bakool, ayay saameynta ugu daran waxay ku yeelatay dadka ku soo barokacay abaaraha ee labadii sano ee u dambeeyay. In kabadan 13 kun oo qoys oo barokac ah ayay saameysay biyo yaraantu. Degmada hadda kama jiraan ceelal biyo ku filan ay ka heli karaan dadka, oo waxaa guray inta u badan ceelashii ay degmadu lahayd.
Sidoo kale dadku bannaanka kama soo dhaansan karaan biyaha oo magaalada waxay go’doonsan tahay in kabadan 4 sano, dadkuna ma gaari karaan wax ka badan 10 km oo bannaanka magaalada ah. Weriyaha Ergo ee Baydhabo Muxyadiin Xusni ayaa warbixintaan ku faahfaahinaya.
Post your comments