Cudurka jadeecada oo saddex qof ku dilay Beledxaawo

0
133

Isbitaalka guud ee degmada Beledxaawo ayaa sheegay in cudurka jadeecada ay 3 qof todobaadkaan ugu geeriyoodeen, iyagoo laba ka mid ahi dadkaan ay isbitaalka ku geeriyoodeen, qofka kalena wuxuu ku geeriyooday tuulada Najax oo 20km bari ka xigta degmada.

Isbitaalka ayaa todobaadkaan qaabilay 137 qof qaba xanuunkaan, 67 ka mid ah waxaa laga kala keenay miyiga, halka 70kalena gudaha magaalada laga keenay.

Agaasimaha isbitaalka Aadan Maxamed Cali  ayaa Ergo u sheegay in maalin kasta isbitaalka ay imanayaan ugu yaraan 9 qof, waana dad waaweyn iyo carruur ayey isugu jiraan.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here