Weerarkii iyo qaraxii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho, Aamin Ambulance waxaa ay goobaha caafimaadka ee magaalada geeyeen dhaawacyo gaaraya 20 qof. Gurmadkan oo kii ugu horreeyey oo bilaash oo guud ahaan Soomaaliya laga hirgeliyo, ayaa kaalin la taaban karo kaga jira daryeelka bulshada.
Bilihii ugu dambeeyey Aamin Ambulance waxay sidoo kale tababato siisay dhalinyaro kor u dhaafaya boqol, kuwaas oo la baray gurmadka deg-dega ah. Dhalinyaradan oo isugu jira wiil iyo gabdho dhammeeyey jaamacadaha ayaa qayb ka noqonaya gurmadka Aamin Ambulance.
Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa Muqdisho innooga soo diray weriye Munasar Maxamed Cabdi.