(ERGO) – Haweenka xoolo-dhaqatada ahaa ee abaaraha ku ceyrtoobay ayaa ku shaqaysanaya dallaalnimo si ay nolol maalmeedka qoysaskooda ugu filnaadaan. Waa shaqo lagu yaqaannay ragga, haddana haweenkan waxa kaliya ee ay yaqannaan waa howlaha la xiriira xoolaha. Lix iyo toban haween ah oo ka yimaada xeryaha lagu barakacay ee magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa bilihii u dambeeyay u shaqo taga sayladda magaaladaas.

Farxiya Maxamed Cali oo ah hooyo keligeed korsata afar carruur ah ayaa ka mid ah haweenkaas. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in $3 ilaa $4 oo maalin kasta ay shaqadaan ka hesho ay ugu filan tahay cunnada iyo waxbarashada carruurta. Labada ugu waaweyn carruurteeda ayaa dhigta dugsiga hoose oo kiiba ay ka bixiso $8 bishii.

Maaddaama aysan jirin hay’ado gargaar iyo maamul dowladeed oo si joogto ah dadkaas u caawiya noloshana ka taageera, Farxiya iyo dumarka kale ee xeryaha ku nool waxay ku qasbanaadeen in ay qabtaan shaqo walba oo ay ka heli karaan waxay carruurtooda quutaan.

Farxiya oo maalintii kala iibisa ilaa afar neef oo ari ah, doorkeedu waa inay wadahadalka ka horeeya heshiiska ka qeyb qaadato. Waxay u dhaxaysaa reer miyiga oo ah kuwa inta badan xoolaha keensada iyo kuwa ka iibsada. Waxay lacag ka qaadataa labada dhinacba.

Bishii Diseembar 2016 ayay ka soo barakacday miyiga degmada Gallaaddi ee xudduudka gobolka Galgaduud uu la wadaago gobolka Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya, kaddib markii ay abaarta uga dhinteen dhammaan 200 oo ari ahaa oo ay dhaqaneysay.

Shuuriye Axmed Xasan oo ka mid ah ragga dallaaliinta ka ah seyladdan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay haweenka ku soo badanayaan seyladda, isla markaana ay u muuqato inay ka saa’id caleeyeen ragga. Dallaaliinta waxaa ka dheeraad ah kuwo kale oo qabta shaqooyinka ay ku jiraan kawaanley iyo faashley oo ah kuwa xoolaha oo ay seyladda ku iibsadaan ka sii ganacsada. Mararka qaar kuwa xoolaha miyiga ka keensada ayaa haween ah.

Wuxuu intaa ku daray in xoolaha ay hadda suuq fiican yeesheen maaddaama suuqa la keenayo kuwii ugu horreeyay oo daaqa iyo biyaha ka faa’ideystay meelaha ay deyrta ka da’day dhammaadkii sanadkii hore. Waxay seyladdan ku tiirsan tahay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud iyo dhulka ismaamulka Soomaalida-Itoobiya.

Marka laga reebo Hooyooyinka qoysaskoodu abaaraha ku ceyrtoobeen ee ku shaqaysta dallaalnimada waxaa jira kumannaan kale oo xeryaha barakaca ku sugan oo aan heyn shaqooyin ay qabtaan, kuwaas oo aan awoodin in ay helaan quutulyoomka maalinta.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here