Weligaa ma aragtay in ka badan kun shimcirood, oo goob kaliya lagu wada xannaaneynayo, oo waxaa taas dheer dhowr boqol oo digaag ah. Arrintan waxay ka jirtaa mid ka mid ah xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka kenya.
Seynab Cabdiraxmaan Xasan, waxay gurigeeda ku xanaaneysataa 1320 shimbirood oo nooca qooleyda ama xamaamta la yiraahdo iyo 310 digaagadood ayay xanaaneysataa oo ay gurigeeda ku haysataa. Weriyaha Ergo ee Dhadhaab Axmed Nuur Yogol ayaa la kumay wareysigaanna la yeeshay.