352 dhallinyaro ay da’doodu u dhexeyso 12 ilaa 17 sano ayaa Talaadadi tartan kubadda cagta ah looga furay magaalada Garoowe. Tartanku wuxuu socon doonaa muddo labo toddobaad ah, waana markii ugu horreysay oo cayaar noocaan ah laga qabto Garoowe. Kooxaha soo baxa ayaa la siin doonaa abaalmarinno isugu jiro koob loo dhigay cayaarta iyo hadiyado kale, Sida uu warbixintaan inoogu soo diray weriyaha Ergo ee magaalada Garoowe Cabdiraxmaan Mxamed Xaaji.