Isbitaalka degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa la seexiyey dad u badan carruur oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Xanuunka ayaa ka dillaacay degmada bishii hore, waxayna mas’uuliyiinta caafimaadka sheegayaan in tiro dad ah ay u dhinteen tan iyo markii uu xanuunku billowday.
Dhageyso warbixin ka hadleysa shubanka oo uu noo soo diray wariyaha Raadiyo Ergo Jamaal Cali Yare.