Boqol iyo konton qof oo qaba xanuunka dhimirka ayaa lagu dawaynayaa laba isbitaal oo ku yaalla magaalada Burco. Dadkan oo ay abaartu ka dhammaysay inta badan xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd ayaa laga kala keenay miyiga gobolka Togdheer. Inkasta oo roobabkii Dayrtu ay ka da’een qaybo ka mid ah gobolka, hadana waxba uma tarin qoysaska ay ku dhaafeen xoolohoodii abaaro labadii sano ee u dambeeyey deeggaanka ka jiray.
Dr. Feysal Cabdi waxaa uu ka howl-galaa isbitaalka lagu daweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka ee Manhal. Wuxuu Ergo u sheegay in sababta u keentay dadka xoolo-dhaqatada ah xanuunka ay tahay, daryeel la’aan caafimaad iyo waalidka oo waayay wax ay carruurtooda siiyaan.
Masuuliyiinta isbitaallada Manhal iyo Maandhaye oo la hirgeliyay labo sano ka hor ayaa Ergo u sheegay in ay hakad geliyeen qaabilaada dadka cusub ee xanuunka dhimirka qaba, maadaama ay buux dhaafeen dhammaan qollaalka ay ka kooban yihiin isbitaalladu.
Iyadoo ay abaaruhu wali ka jiraan deegaanka, ayuu Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo ah maamulaha isbitaalaka Manhal sheegay in awoodooda ay ka badan tahay tirada dadka ay hadda daawaynta u sameeyaan.
“Annaga maalin kasta afar ilaa shan qof ayaa naloo keenaa, mana qaban karno, qofkii ladnaadaba booskiisa qof ayaan ku bedelnaa, tirada aan hayno waa inta awoodeenna dhaqaale iyo xanaano le’egtahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Dhaqaalaha ay bukaanka ugu shaqeeyaan oo bishii gaaraya 2,000 oo doolar ayay masuuliyiinta isbitaalka Manhal sheegeen in ay ka soo uruuriyaan ganacsatada magaalada.
Jaamac Yuusuf waxaa lagu hayaa guri uu leeyahay walaalkiis oo ku yaalla Burco. Geed ku yaalla bannaanka guriga ayaa loo ooday, iyada oo silsilad looga xiray lugta midig. Cabdullaahi Yuusuf oo walaalkiis ah ayaa Ergo u sheegay in sababta ay guriga ugu hayaan ay tahay cabsi ay ka qabaan in uu dhibaato gaysto. Afar bilood ka hor ayuu sheegay in go’ uu haystay uu ku xiray geedka ka dib uu isku dal dalay, waxaana u gurmaday dadkii guriga joogay. Isbitaalka guud ee magaalada ayaa lagu hayay muddo bil ku dhow oo laga dawaynayay dhaawacyo ka soo gaaray cunaha. Dawooyinka maskaxda dejiya oo ay uga soo iibiyaan Isbitaallada magaalada, ayay ku siiyaan halka uu ku xiran yahay.
Bishii tobnaad ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa laga keenay isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban afar carruur ah iyo hooyadood laga keenay deegaanka War-cibraan oo Burco dhanka Koonfurta uga beegan qiyaastii 155km. 157 neef oo ari ah oo uu abaarta ka hor dhaqanayay ayaa hadda waxaa uga soo haray 7 neef oo lagu hayo magaalada Burco.
Isbitaallada Manhal iyo Maandhaye mudadii ay shaqaynayeen waxay daweeyeen 168 qof, kuwaas oo markii dambe dib ugu noqday ehelladoodii. Qaar kale wali waxay sugayaan fasixii ay ku bixi lahaayeen kaddib markay dhammaysteen dawayntii.
Cabdikariim Maxamed Axmed waa 47 jir. Muddo afar bilood ah oo uu qaadanayay dawada dhimirka hadda waxaa uu isu diyaarinayaa inuu ka baxo isbitaalka Manhal. Lix carruur ah oo uu dhalay oo hadda la kala nool hooyadood iyo ayeeyadood ayaanu muddadaas arag.
18 neef oo ari ah ayaa uga soo haray saddex boqol oo ari iyo saddex awr oo uu abaarta ka hor ku dhaqan jiray deegaanka Oowdayne oo 75 km galbeed uga beegan magaalada Burco.
“Markaan arkay xoolihii oo gacantayda ka baxay. Carruurtii oo isoo eegeysa oo aanan wax ay cunaan u hayn, markaas ayaa miyir iigu dambaysay”, ayuu yiri Cabdikariim.
Cabdrixamaan oo ah maamulaha Manhal ayaa sheegay in sababta ay u fureen isbitaalka ay ahayd, kaddib markii ay arkeen dad badan oo jiifa gidaarada magaalada, gaar ahaan dadkii reer miyiga ahaa ee xoolihii ka baxeen, isla markaana aan helin daryeelkii ay u baahnaayeen.