Xanuunka dhimirka ayaa labadii sano ee hada u danbeeyey kusoo kordhayey GobolkaTogdheer gaarahaan magaalada Burco, laba xarumood oo kala ah Manhal iyo Maandhaye oo ka furan Burco ayaa sheegaya inay buux dhaafiyeen dad dhimirka ka xanuunsan oo u badan kuwa miyiga ka soo cayrtoobay
Qaybta dhimarka ee manhal iyo isbitaalka maandhaye ayaa labaduba ay buuxdhaafeen iyadoo midwalba ay kujiraan in kabadan 120 rag ah oo qaba xanuunka maskaxda.
C/raxmaan Axmed Xasan waa maamulaha Isbitaalaka Dhimirka Manhal X wuxuu sheegayin isbitaalku ka kooban yahay 8 qol oo dadka bukaanka ah lagu hayaana yahay 130 oo 80 ka mid ahi yihiin dadka miyiga ku soo xanuunsaday.