File photo/Ergo

(ERGO) – Hoggaamiyeyaasha dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya ayay hay’adda UNHCR u fududeysay socdaal ‘Booqo oo soo arag ah’ oo ay ku tageen Muqdisho iyo Baydhabo oo koonfurta Soomaaliya ah. Hay’adda ayaa sheegtay ujeedka inuu ahaa in qaxootiga lagu wargeliyo xaaladda ka jira gudaha Soomaaliya si ay go’aan xog-ogaalnimo leh uga qaataan haddii ay noqonayaan iyo haddii kale.

Ku dhowaan 40 hoggaamiye oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsan ayaa ka qeybqaatay safarka oo ay ku galeen diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay. Waxay dhinacyo badan warbixin ka siiyeen qaxootiga xeryaha ku jira xilligan. Hadda waxaa Dhadhaab ku nool qaxooti lagu qiyaaso 230,000 oo Soomaali ah. Ilaa 18,000 oo ka tirsan ayaa iska diiwaangeliyay mashruuca lagu caawinayo dadka iskood u noqonaya ee ay hoggaamiso UNHCR.

Mursal Maxamed Cabdulle oo hoggaamiyeyaashaas ka mid ah, 12 sano ayaa ugu dambeysay Baydhabo. Weriyaha Ergo Maxamed Xasan oo khadka telefoonka kula xiriiray isagoo jooga xerada uu ku nool yahay ee Xagardheer ee Dhadhaab ayaa wax ka waydiiyay waxa uu ku soo arkay magaaladiisii hore.

Mursal: Waxay ahayd xagga nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada, nolosha dadki halkan ka noqday, meesha la dejiyay, cuntadooda, waxa loo qabtay iyo deegaanka sida uu yahay ayaa naloo diray. Waxaan ahay guddi xaqiiqo-raadin ah.

Ergo: Tiro intee la eg oo dadkii Dhadhaab ka noqday ah ayaad Baydhabo kula kulanteen?

Mursal: Dadki la soo celiyay oo halkan ka noqday ayaan u tagay. Waxaa naloo geeyay qolo 100 guri loo dhisay. Dadku wuu badan yahay, laakiin kuwaas hal qol ayaa loo dhisay. Laakiin dhulka iyaga ayaa gatay, lama siinin. Dhaqaalihii halkan laga siiyay bay ku gateen. Beledka geeskiisa waaye, gudihiisa ma goyn karaan. Way iska fiicnaayeen, nin walba qol baa loo dhisay, gurigana isaga ayaa iska leh oo ku qoran warqadda lahaanshaha, cidna ma siinin.

Dhaqaale ayaa la siiyaa ninka halkan ka noqda. Kaarkooda haddii uu yahay tobanle, halkan waxaa nafarkiiba la siiyaa $200. Nooliga baabuurka ama diyaaradda ayaa laga gooyaa. Xagga marka ay tagaanna nafarkiiba $200 oo kale ayaa la siiyaa. Marka haddii uu tobanle yahay $4,000 ayuu helayaa oo ay $500 ka go’eyso. Meesha [dhulka] ay deggan yihiin oo magaalada geeskeeda ah waa $2,000. Marka ay gataan ayay dowladda hoose sabarloogo u sameyneysaa. Markaas ayay ula tagayaan UNHCR oo u dhiseysa hal qol oo jiingad ah. Kuwo aad ugu faraxsan waan aragnay, waxay ka cabanayaan biyo-la’aan.

Ergo: Dadka Baydhabo ku noqday way ka badnaayeen boqolkaa. Intii kale xaggey jiraan baa la yiri?

Mursal: Waa runtaa, Baydhabo way waynaatay. Mowqifkeenna annaga waxaan saareynay dadka barakacayaasha ah, dhulka; deegaan ahaan, abaartiisa, nabadgelyadiisa iyo waxbarashadiisa. Annaga boqolkaas guri maalintaas waan ka badan waynay, beledka afartiisa gees bay deggan yihiin. Kuwo kalena sidaas oo kale way noo yimaadeen oo dad aan halkan isla deggeneyn oo geesta kale degay way ii yimaadeen. ‘Qolo nasiibkooda guri helay way jiraan’ ayay yiraahdeen. ‘Qolo aan weli helinna way jiraan’.

Marka aan meesha fiirinnay waddan soo kabanaya ayuu u ekaa. Haddii Baydhabo la dhaafo bannaankeeda ammaankeeda ma sugna. Dadkii halkan ka noqdayna dad iska normal ah oo wax helay way jiraan oo tababarro la siiyay. Dadkii guryaha meesha ku lahaa ayaa horta nolosha u fiican, [lacagtii la siiyay] bajaaj bay qaar ku gateen, qaar baabuur taksiyo ah ayay gateen, qaar ay dameer iyo gaarigiis u goysayna way jiraan oo qoryaha ka doonta nolosha.

Lix bilood waxaa la siinayay [taageero nololeed] ‘Papa Chakula’, haddii ay ka dhamaatana shaqooyin cunto ku beddelesho ah, sida waddooyinka la sameynayo, ceelalna way qodanayeen, laakiin dhulka abaar baa ka jirtay iyo biyo-la’aan.

Ergo: Waxaa jira dad lagu caawiyay dib-u-noqoshada oo haddana xeryaha Dhadhaab mar kale ku soo noqonaya. Dadkaas maxay yihiin?

Mursal: Waa runtaa, aad iyo aad annagaba way nala joogaan. Kuwo Baydhabo oon iyo gaajo kala kulmay oo hayn waayay ayaa jira. Sidee ayaad ku noolaaneysaa haddii muruqaaga keliya ku noolow lagu yiraahdo? Xoogaa way dhibeysaa, waxay u barteen sidii gacanta looga hayn lahaa.

Ergo: Ma soo aragteen dad qaxootinnimada ka reystay oo dhaqaale fiican sameeyay?

Mursal: Haa, dad aan aniga waydiiyay oo ehel aan nahay ama daris aan ku ahayn Xagardheer ayaa jira oo aan is aragnay. Waxay yiraahdeen ‘Ilaah baa mahad leh, ma soconno, waxaan sameysannay guryo, waxaan [yeelannay] bajaaj, gaari-dameerro. Shaqo cunto ku beddelasho ayaa maalin kasta naloo sameeyaa.’ Marka waxaa xusid mudan, culeys baa haysta Baydhabo. Barakace wax la yiraahdo, abaar xun baa Soomaaliya ka jirta. Wixii Bakool iyo halkaa ku noolaa iyo Baydhabo agagaarkeeda, kulli waxaad mooddaa in Baydhabo lagu wada kulmay.

Ergo: Markii aad soo noqoteen maxaad UNHCR iyo dadka qaxootiga ah u sheegteen?

Mursal: Waxaa jira dad raystay, dad soo noqonayana way jiraan. Dad wax loo qabtay way jiraan, dad aan wax loo qabanna way jiraan, dad soo noqonaya oo dhib qabana way jiraan baan niri. Dhulka abaar waaye, magaalooyinka gudahoodana ammaan waaye, warbixintaas waan siinnay.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here