Degaanka Galo oo ka tiran Galgaduud oo dhibaato bani’aadanimo ka jirto

0
239

Koox ka socota ururka bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa sheegaya in iyagoo ka jawaabaya dhibaato ka jirta degaanka Galo oo 42km dhinaca koonfur bari ka xigta Dhuusmareeb ay ku soo arkeen dhibaato nafaqa darro oo aad u daray.

Odayaasha deegaanka ayaa bisha cas u sheegay in ilaa 26 carruur ahi labadii bilood ee la soo dhaafay ay u dhinteen.

Dr. Abdilkaadir Jimcaale Xalane oo ah madaxa bisha cas ee Soomaaliyeed qaybta caafimaadka ee Galgaduud ayaa Ergo u sheegay markii ay soo gaartay qaylo dhaanta dhibaatada ka taagan ay tageen goobtaas bartamihii bishihii Janaayo.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here