Mas’uuliyiinta dhinaca waxbarashada ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in baaritaanno ay sameeyeen ay ku ogaadeen in gabdhuhu mar kasta ay ku sii yaraadaan waxbarashada heerka dhexe iyo dugsiyada sare, iyagoo waxbarashada dugsiyada hoose ay tiro ahaan badan yihiin.
Idiris Budul waa madaxa waxbarashada ee deegaanka Dhadhaab, wuxuuna kamid yahay saraakiisha baaritaannadan sameeyey, Maxamed Xasan ayuu uga warramay wax keenay dhibaatadan iyo sida ay u arkaan in wax looga qaban karo.