Halka aad sawirkaan uga jeedaan waa bartamaha wabiga shabeelle qeybta buundada kala barta xaafadaha Jowhar, Jooga wabiga wuxuu gaarayaa 8.8m halka balac ahaan uu yahay 16.10m , Wabiaga dhexdiisa waxaa iiga muuqdo carruur ku ciyaarayo banooni, halka dhalinyarada qaar ay ku dhex wadaan gawaarida, maadaama uu yahay dhul bacaad ah oo ku fiican socodka baabuurta yar yar.
Webiga waxaa ku tiirsan nolosha dadka gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuu qalalay 15ka bishii Janaayo 2018. Waxay ku waraabsadaan beeraha, way ka kulluumaystaan, halka xoolaha iyo dadkana uu u yahay il biyood ay si joogto ah uga cabaan.
Wakiilka hay’adda maamulka dhulka iyo biyaha ee SWALIM ee goabalka shabeellaha dhexe Yaaquub Ciise Cumar ayaa sheegay inaay jirto isbadal xagga cimilada oo keenay roobabkii inaay ka yaraadaan bariga Africa.