(ERGO) – In kabadan 1,000 qoys ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyey u barakacay magaalada Baydhabo. Abaaro muddo soo jiray oo ay ka dhasheen, sicir barar iyo cunna yari ku haysatay degmada Tiyeeglow iyo toolooyinka hoos yimaada, ayaa qoysaskan ku khasabtay inay tagaan Baydhabo u jirta qiyaastii 270 km. Wakhtigan waxaa deegaan u ah dhirta hoosteeda iyo bannaanka xeryaha barakacayaasha. Sida ay Ergo u sheegeen masuuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed.
Dadka imanaya ayaa ku biiraya xeryaha barakaca ee ku yaalla Baydhabo oo ay ka jiraan biyo la’aan iyo cunto yari. Waxaa intaas u dheer inaanay hoy la’aan. Qaar ayaa jiifa dhirta hoostooda, kuwo kale waxay joogaan bannaanada iyadoo inta nasiibka leh ay la noolyihiin dad ay ehel yihiin oo xerada horay usii deganaa. Xeryaha ayaa waxaa hadda ku nool dad ay maamulka Koonfur-galbeed ku qiyaaseen 88,000 qof.
Dadkaas waxaa ka mid ah Maxamed Xareed Cabdi oo 62 jir ah, isaga iyo shan carruur ah oo uu dhalay ayaa shan maalmood ka hor yimi xerada barakaca ee Sheemo oo ku taalla Koonfurta Baydhabo. Maxamed iyo carruurtiisa waxay hadda degan yihiin aqal yar oo ka samaysan geedo iyo maryo kor laga saaray. Gudaha aqalka ma yaallaan wax ay cunaan ama ku seexdaan, maadaama ay uga soo tageen Tiyeeglow.
Waxa ay cunaan ayuu sheegay in ay ka helaan dad degan xero deriska la ah. Wuxuu sheegay in da’diisa oo wayn owgeed ay ku adagtahay inuu usoo shaqeeyo carruurtiisa.
Maxamad iyo carruurtiisa ayaa soo lugeeyay 50 km. Gaari wadada marayay ayaa markii danbe ku caawiyay inuu geeyo Baydhabo. “Gabadhayda oo afar jir ah ayaan dushsa ku waday mudada aan lugaynaynay, halka kuwa kalena aan mar meel ku soo nasinayay”, ayuu yiri Maxamed.
Qoyska Maxamed ayaa ku tiirsanaa beer laba hiktar ah oo uu ku lahaa meel 8 km u jirta Tiyeeglow. Wax ugama soo go’in muddo afar sano ah oo aan deegaanka roob ka di’in. Labo sano ayuu sheegay inay cunayeen kayd raashin ah oo markii danbe ka dhammaaday.
Wuxuu sheegay in noloshoodu ay sii adkaatay markii xaaskiisii oo ahayd qofka keliya ee reerkiisu ku tiirsanaa ay dhimatay siddeed bilood ka hor. Suuqa magaalada Tiyeeglow ayuu sheegay in ay khudaar ku iibin jirtay. $200 oo uu dayn u qaatay, ayuu sheegay in ay ku adkaatay in uu iska bixiyo. Markii danbe oo uu waayay cid dayn kale siisana, dantu waxay ku khasabtay inuu markii ugu horraysay noloshiisa ka barakaco gurigiisa.
Dahabo Nuur Maxamed oo wadata afar carruur ah oo kan ugu yar uu jiro shan sano, ayaa muddo saddex maalmood ah hadda joogto xerada barakaca ee ABC2 oo ku taalla Koonfurta Baydhabo. Aabaha dhalay carruurta ayay sheegtay inuu isna u barakacay magaalada Beledwayne si uu biil uga raadiyo carruurtiisa. Dahabo ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay aanay helin wax ay cunaan. Labadii maalmood ee ka horraysana ay deriska ka heleen cambuulo iyo soor. Aqal ka samaysan geedo, baakado iyo marooyin ayay ku hoos nool yihiin iyada iyo carruurteeda.