Xerada qaxootiga IFO 2 ee Dhadhaab oo la xirayo dhammaandka bisha dambe

0
65

Hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee Unhcr ayaa shalay si toos ah ugu dhawaaqday in 31-ka bisha March ee soo socoto la xirayo xerada IFO 2, oo la aasaasay sanadkii 2011. Xerada hadda waxaa ku nool 22 kun oo qof. Dadkaan waxay ku biiri doonaan 3-da xero ee kale ee Dhadhaab.

Xeradaan la xirayo waxaa ku yaalla 10 iskuul oo hoose iyo dhexe ah, hal dugsi sare, isbitaal weyn, iyo labo xarun caafimaad iyo sidoo kale 7 matoor oo dadka qaxootigaas ku nool ay biyaha ka cabaan. Dhammaan way xirmayaan adeegyadaas, laakiin dadku waxay ka heli doonaan xeryaha dib loo dejinayo ee Xagardheer, Dhagaxley iy Ifo. Weriyaha Ergo ee qaxootiga Dhadhaab Axmednuur Yogol ayaa arrintaas ka wareystay Cabdinuur Ibraahim Cabdiraxmaan oo ka tirsan UNHCR.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here