Daado Xasan oo meesha dhulkeeda cusub wareysi ku siineysa weriyaha Ergo/Ergo

(ERGO) – Dad gaaraya 380 qoys oo ku noolaa xeryaha lagu barakacay ee deegaanka Xaarxaarka oo 10 km koonfur ka xiga Gaalkacyo ayaa tan iyo bartamihii bishii hore u guuray dhul bannaan oo loogu deeqay. Qoysaskan oo ah reer-miyigii abaaraha ku xoolo-beelay oo aan rajo ka qabin inay dib u noqdaan ayaa dhulka la siiyay ka dhistay aqallo ka sameysan geedo iyo baco la isku xiray. Laakiin sida uu noo sheegay maamulka deegaanka qorshuhu waa in qoyskiiba qeybtiisa looga dhiso labo qol iyo musqul.

Duruufo dhinaca hoyga ka haystay ayaa sababay inay dadkan sugi waayaan inta mashruuca guriyeynta ah looga dhameystirayo. Ilaa 30 qoys oo ka tirsan waxaa si khasab dhulkii ay deggenaayeen uga saaray dadkii lahaa, qaarka kalena waxaa isugu darmay cadaadis joogto ah oo ay milkiileyaasha dhulka kala kulmeen iyo ciriiri xeryaha ka jiray.

Cabbirka qoyskiiba ku soo aadaya wuxuu u dhigmaa $200 marka la eego qiimaha xilligan ee dhulalka Xaarxaarka.

Daado Xasan Axmed oo ka mid ah dadka ka faa’ideystay fursaddan, waxay ku faraxsan tahay inuu soo dhamaaday welwelkii ay ka qabtay inay ku dhacdo hoy-la’aan mar haddii ay degtay dhul ay iyada iyo qoyskeeda oo lix qof ka kooban u madax-bannaan yihiin. Waxay ka mid tahay dad halkan soo degay labo toddobaad ka hor, kaddib markii la siiyay warqado u oggolaanayay inay soo guuri karaan, isla markaana caddeynaya in dhulka lagu wareejiyay.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay muddo labo sano ah oo ay deegaanka barakac ku ahayd in lagu khasbay inay ka guurto saddex xero oo kala duwan. Hadda laakiin waa qoys ka mid noqonaya dadka deegaanka.

Deegaankan cusub oo loo bixiyay Daryeel waa meel aad ugu dhow ceelka riigga ah ee Xaarxaarka. Agaasimaha arrimaha bulshada ee dowladda hoose ee Gaalkacyo, Muxyadiin Yuusuf Samatar ayaa noo sheegay in deegaanka ay biyo-gelin ka sameysay hay’adda Qatar Charity. Haan biyaha u keydisa iyo tubbo xilli kasta socoto oo ay si bilaash ah uga dhaansan karaan ayaa dadka loo diyaariyay.

Wuxuu xusay in dadka barakaca ku ah deegaanka ay gaarayaan ilaa sagaal kun oo qoys, hase yeeshee ay si gaar ah u soo xuleen boqollaalkan oo ah kuwii ugu darnaa ee aan rajo dambe ka qabin ku noqoshada noloshii miyiga. Guddiga Qaxootiga ee Norway (NRC) ayuu sheegay in uu maamulkooda ka caawiyay dib-u-dejinta dadkan iyo in loo sameeyo dukumiintiyo.

Saciido Nuur Axmed oo NRC u qaabbilsan raadinta macluumaadka iyo la-talinta dhinaca sharciga ayaa sheegtay in kaalintooda ay ahayd xaqiijinta inay dadku helaan caddeymaha milkiyadda dhulka oo ay bixiyeen dhaqaalaha ku baxaya subarloogooyinka, inkastoo uu maamulka taas la sugayo guriyeynta kama dambeysta ah. Waxay kaloo ku lug lahaayeen sida ay xustay soo xulista ka faa’ideystayaasha saxda ah.

Saciido ayaa xaqiijisay inkastoo aanay faahfaahin in ay sidoo kale gacan ka geysteen 350 qoys oo kale oo dhul laga siiyay waqooyiga Gaalkacyo. Waxay tilmaantay in milkiyadda dhulkan ay dadka siin doonto xuquuqda aasaasiga ah ee lahaanshaha, sida inay sii iibsan karaan, kireysan karaan ama sida ay doonaan ay u dhisan karaan.

Xaarxaarka oo ay ku yaallaan 12 xero oo kuwoodii ugu horreeyay ku aasaasmay dagaalladii Gaalkacyo ee 2015 ayaa ah deegaanka ugu weyn ee ay isugu yimaadeen dadka ka soo barakacay abaaraha gobolka Mudug. Sida uu maamulka deegaanka noo sheegay waxaa gargaar lacag iyo raashin isugu jira bil kasta ka bixiya hay’ado ay ku jiraan ICRC, WFP iyo Cesvi.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here