Biyo-yarida Baydhabo oo gaartay in hal ceel la isugu tago

0
83
Nin gaari-dameer ka dhaansanaya ceelka keliya ee Baydhabo/Muxyadiin Xusni/Ergo

Biyo-yari ayaa magaalada Baydhabo ka jirta labadii toddobaad ee u dambeysay. Saddex ka tirsan afartii ceel ee ugu waaweyneyd magaalada ayaa shaqada joojiyay biyo-yarida awgeed. Waxaa ciriiri siyaado ah laga dareemayaa ceelka keliya haray oo ay dadku isugu tageen. Qiimahooda oo sare-u-kacay ayaa ku adkeysay dadka ku jira xeryaha lagu barakacay inay biyo ku filan iibsadaan.

Ceelasha xirmay ayaa midba wuxuu gaar biyaha u siinayay xaafadaha magaalada iyadoo la adeegsanayo tubbooyin la xiriiriyay ama qaab dhaansasho ah.

Ceelka shaqaynaya oo ah mid ay maamuli jirtay Wakaaladdii Biyaha ee dowladdii dhexe ee burburtay waxaa hadda ku shaqeysta ganacsato. Waxaa isugu tagay gaari-dameerro iyo dad jiirigaanno wata oo biyo u raadinaya qoysaskooda oo oonka uu saameeyay. Hal tubbo oo ceelka uu ugu talagalay in ay ka dhaansadaan dadka ayaa la kala sugaa. Maalmaha qaarkood dadka ayaa safafka ku jira wax ka badan saddex saacadood. Isaga xitaa biyo-yarida darteed wuxuu xilliyada qaar saacado hakiyaa biyaha ay tubbooyinka guryaha geeyaan.

Cabdi Maxamed Xuseen oo ka mid ah dadka ku jira xerada Salaamay ee duleedka Baydhabo ayaa sheegay in maalin kasta ay saacado badan ku qaadato inuu ceelkan biyo uga dhaamiyo qoyskiisa safka dheer ee uu galo awgiis. Ninkan oo dhismaha ka shaqeyn jiray si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa oo 10 qof ka kooban sida ay biyo-yarida u dhacday ma uusan shaqo-tegin, taas oo sii kordhisay ciriiri dhinaca nolosha ah oo qoyskiisa uu horay u wajahayay.

“Waan ku silicnay halkan. Saddex maalmood ka hor sidii aan subixii u imid waxaan ka tagay afartii galabnimo,” ayuu u sheegay weriyaha Ergo oo ceelka kulmay xilli uu sugayay inuu dhaansado saddex jiirigaan.

Qoyskiisa oo sanad iyo bar ka hor abaarta uga soo barakacay deegaanka Ufurow oo qiyaastii 150 km u jira Baydhabo waxaa hadda u shaqeysa xaaska Cabdi oo xaabada gurta marmarna fursad ka hesha beeraha magaalada oo ku jira xilliga gurashada.

Halka jiirigaan oo horay u ahaa Sosh2,000 waxaa ceelka looga iibsadaa Sosh5,000. Markii hore booyad uu leeyahay maamulka Koonfur-galbeed ayaa xeryaha lagu barakacay si bilaash ah ugu shubi jiray biyaha, sida uu sheegayo weriyaha Ergo (muddo intee la eg ayaa dowladda biyo siin jirtay). Dadka awooda xitaa waxay fuustada oo dhan ku shuban jireen Sosh20,000 oo ka yar $1 ama gaari-dameerro wareega ayuu qofkii doona labo ama saddex jiirigaan ka shuban jiray. Laakiin fuusatada biyaha ah waxay hadda gaartay Sosh70,000 ($3).

Fowsi Cabdinuur oo bartay cilmiga beeraha iyo deegaanka ayaa Raadiyo Ergo in saameynta roob-yarida iyo abaaraha oo jira ay haddana magaalada fidday, isla markaana ay dadku ku soo bateen. Xeryo lagu barakacay oo gaaraya 327 ayaa ku yaalla Baydhabo iyo hareeraheeda. Wuxuu tilmaamay in biyo-yarida looga bixi karo in la tayeeyo xirfadda dadka ka shaqeeya goobaha laga maamulo biyaha, lana beddelo tubbooyinka oo ah kuwo muddo shaqeynayay.

Sidoo kale wuxuu maamulka kula taliyay in uu ka shaqeeyo mashaariic ceelal cusub lagu hirgelinayo si looga hortago caafimaad-darro uu xusay inay ka dhalan karto biyo-yarida ama haddii la waayo biyo nadiif ah.

Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha ee maamulka Koonfur-galbeed, Aadan Xasan Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in bishan gudaheeda ay dayactiri doonaan ceelasha qallalay si biyahooda ay joogto u noqdaan. Sidoo kale isla muddadaas waxay qorsheynayaan in ay magaalada ka dhisaan ceelal cusub iyo inay meelo badan dhigaan haamo waaweyn oo biyaha lagu kediyo, taas oo ay u arkaan inay wax ka qaban karto biyo-yarida.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here