Caasho Cabdi (bidix) oo ku sugan Ugaas Madow/Ilyaas Cabdi/Ergo

Tiro ka badan 10,000 oo qoys ayaa toddobaadkii labaad ka faa’iidaysanaya howl samafal ah oo biyo loogu dhaaminayo, sida uu sheegay maamulka gobolka Saaxil ee Somaliland. Dadkan oo xoolo-dhaqato u badan waxaa ku jira qaar soo barakacay. Deegaannada biyo-dhaaminta laga sameynayo oo afar ah ayaa muddo labo bilood ah waxaa qallalan ceelashii ay dadka iyo xooluhuba ka cabbi jireen, kaddib markii uu baaqday roobkii deyrta tiiyoo ay abaartu labo sano oo hore sii jirtay.

Afar iyo toban barkad oo ku yaalla deegaannada Go’da weyn, Go’da yar, Ugaas Madow iyo Gacan-Libaax ee koonfurta gobolka Saaxil ayaa ilaa hadda dadka loogu shubay 20 booyad oo biyo ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Jaamac Maxamuud Axmed oo ah guddoomiyaha gobolkaas. Wuxuu xusay in biyaha oo laga soo dhaamiyo ceelal ku yaalla magaalada Berbera ay joogto u wadi doonaan inta roob laga helayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay howshan dhaqaale ahaan maamulkooda ka caawineyso hay’adda laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee DP Word oo maamusha dekedda Berbera. Wuxuu xaqiijiyay haddii ay xaaladda abaarta ka sii darto in biyo-dhaamintan oo toddobaadle ah ay u beddeli doonaan mid maalin kasta ah.

Caasho Cabdi Aadan oo ah hooyada 10 carruur ah oo lix toddobaad ka hor ka soo barakacday deegaanka God-Waraabe oo 90 km u jira Burco ayaa ka mid ah dadka ka faa’ideysanaya biyo-dhaaminta. Deegaankan oo ka mid ah meelaha ugu daran ee biyo-la’aanta saameysay waxaa ku nool 1,075 oo 635 ka tirsan ay u barakaceen labadii bil ee u dambeysay. Shan barkad oo ku yaalla ayay Sabti kasta biyo ku shubaan booyadaha oo ka soo dhaamiya magaalada Berbera oo u jirta 35 km.

Caasho ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in biyaha oo ay hadda barkadaha ka dhaansato ay uga reysatay baryada dadka. Intii ay oomanaha ku jireen waxay maalintii ku tashan jirtay shan liitar oo biyo ah oo keliya oo ay siin jireen dad dameerro uga soo dhaansada ceelal loo soconayo saddex saacadood. Dadka deegaanka iyo kuwa soo barakacay oo ay xoolaha uga dhamaadeen abaarta ayaa cuntada waxaa qaab qaaraan ah ugu caawiya qaraabadooda oo qaarkood dibadda jira.

Sheekh Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in biyo-dhaaminta ka hor uu deegaanka Ugaas Madow ku jiray xaalad daran. Waxyaabihii ugu xanuunka badnaa ee uu la kulmay ayuu ku sheegay inay ka mid ahayd gabar umul ah oo wadata labo carruur ah oo harraadsan inay gurigiisa ugu timid iyadoo biyo raadineysa. Markaas oo gurigiisa aanay biyo oollin wuxuu shan caagadood oo biyaha sifeysan ah uga soo iibiyay dukaan u jira qiyaastii 7 km.

Ceelasha riigga ah ee deegaannadan ayuu xusay in aanay rajo ka qabin in biyo laga helayo xitaa haddii hoos loo sii qodo. Deegaannadan kale ee gobolka Saaxil oo ah dhul beeraley ah waxaa ku yaalla ceelal durdur ah oo aan inta badan gurin inay biyo-yareeyaan mooyaane.

Hal milyan iyo toddobo boqol oo qof ayay saameysay abaarta ka jirta Somaliland muddo saddex sano ah, sida lagu sheegay xog-ururin ay wada sameeyeen hay’adda ka-hor-tagga musiibooyinka ee Somaliland iyo hay’adda ka shaqeysa haqab-beelka cuntada Soomaaliya ee FSNAU.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here