Aadan Maxamed Ibraahim waa agaasimaha ismaamul hoosaakda Wajir, wuxuu Ergo u sheegay in 8 kun oo arday oo dugsiyada hoose dhexe iyo 1500 oo dugsiyada sarre ahi ay waxbarashada ka tageen, abaaraha degaankaas ka jira ayuuna u sababeeyey in qoysasku u hayaameen meelo ay biyo iyo cunno ka heli karaan.
Maxamed Xasan oo Ergo ka tirsan ayaana agaasimaha waraystay. Halkaan hoose ka dhegeyso.