Boqollaal qoys oo ku noolaa kaam barakac oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa hadda ah hoy la’aan, kaddib markii Isniinti laga saaray kaamki ay ku jireen. Hadda waxay ku hoydaan hareeraha wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye, sida uu warbixintaan ku eegayo weriyaheenna Muqdisho Munasar Maxamed Cabdi.