Deegaannada Soomaalida gaar ahaan dhulalka miyiga, way ka dhaqan duwanaayeen mar kastaba magaalooyinka. Haddaan ka eegno dhanka guurka, gabdhaha miyiga waxay waayadi hore u guursan jireen ama guurkoodu mari jiray marxalado kala duwan.
Qaarkood si qasab ah ayaa lagu guursan jira, qaar xoolo badan inta laga qaato ayaan iyagoo raalli ka ahayn la galbin jiray, qaarna inta iyagoo xoolaha la joogo la afduubto ama la uleeyo oo la kaxeysto ayaa la guursan jiray. weriyaha Ergo ee magaalada Burco Sidiiq Yuusuf Khalaf, ayaa arrimahaas kala sheekeystay Xuseen Axmed Raage, oo ah oday da’ ah oo ku nool Burco.