Boqolaal higtar oo ay ku beernaayeen dalagyo kala duwan ayaa qalalay markay waayeen biyihii webiga

0
435

Boqolaal higtar oo ay ku beernaayeen khudaar iyo dalagyada firaleyda ayaa qalaalay markay waayeen biyihii waraabka, beerahaan ayaa waxay ku kala yaalaan degaanada Afgooye, Janaale, Qoryooley iyo Kuntuwaaray. Webiga ayaana qalalay bishii Diiseembar ee sanadkii ina dhaafay bilowgeedii, welina uu qalalan yahay.

Agaasmiha Wasaaradda Beeraha iyo waraabka koonfur galbeed  Cabdiwhaab Siraaji Sheikh Maxamed , ayaa sheegay in 2500 oo higtar oo ay ku beernaayeen firalayda iyo khudaar ay waraab la’aanta u qalaleen, wuxuu kaloo intaas ku daray in  wakhtigaan geed miroodka ay iyaguna khatar ku jiraan haddaan biyo dhakhso loo helin.

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here