In kabadan 900 oo qoy oo kalluumeysato ah ayay shaqo la’aan haysataa. Waxay ka kalluumeysan jireen xeebta hobyo iyo deeganano xeebeedyada u dhow ee gobolka Mudug. Dhibaatooyin ay ka mid tahay burburinta doomaha kalluumeysata ay wataan ayay kala kulmaan maraakiin jariif ah, oo si sharci-darro ah uga kalluumeysta xeebta.
In kabadan 100 mayl ayay kalluumeysatada gudaha u gali jireen badda, laakiin hadda ma gaari karaan xataa hal mayl, oo waxay cabsi ka qabaan weerarrada jariifka iyo ciidamada NATO ee xeebta jooga, sida uu warbixintaan inoogu soo diray weriyaha Ergo ee Gaalkacyo Jibriil Cismaan Cilmi.