Dadkii laga burburiyay xeryaha KM 13 oo weli bannaanka daadsan

0
91
Some of the families evicted from their home in outskirts of Mogadishu Munasar Mohamed/Ergo

Dad ka badan afar kun oo qoys ayaa toddobaadkii labaad ku hoyanaya meel bannaan ah oo laamiga dhinaciisa ah, duleedka magaalada Muqdisho. Dadkan oo ay ku jiraan qaar ka soo barakacay abaarihii u dambeeyay ayaa waxaa si qasab ah aqalladdii ay deggenaayeen uga saaray, kana burburiyay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Burburintu waxay saameysay 23 xero oo ku yaalla deegaanka KM13.

Ciidamada oo watay baldoosarro ayaa xilli aroor ah 29-kii Diseembar ku kallahay xeryaha oo weli ay dadka qaar hurdaan. Waxay burburiyeen aqalladdii ay dadku ku hoyanayeen, musqulihii, xarumihii caafimaadka, dugsiyadii waxbarashada, meelihii ay biyaha nadiifka ah ka dhaansan jireen, xarun quudin iyo xitaa meheradihii yaryaraa ee dadka soo barakacay ku ganacsan jireen. Qoysaska qaar carruurtooda ayay halkaas ku kala lumen.

Cabdi Ceymow Culusow oo ka mid ah odayaasha xeryahan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qoysaska qaar ay weli baadigoob ugu jiraan carruurtooda oo luntay saska ay howlgalkan ka qaadeen awgiis. Inkastoo qaarkood la helay, haddana qiyaastii 10 carruur ah ayuu xusay inay weli maqan yihiin.

“Ciidamada burburinta waday inooma aaba yeelin, iyadoo guriga ay ku jiraan dumar iyo carruur ayay gaari na dulmariyeen, taas miyaa ah wax inoo qalma, annagoo ah dad danyar ah,” ayuu yiri Cabdi. Waa aabbaha qoys beeraley ah oo ka kooban 7 qof, kaas oo colaado uga soo barakacay degmada Kurtunwaarrey ee gobolka Shabeellaha hoose bartamihii sanadkii hore.

Dhulka dadkan laga rarayo waxay degeen toddobo sano ka hor, iyadoo ay hadba ku soo biirayeen qoysas ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha gobollada koonfurta qaar ka jiray. Wuxuu ahaa goofaf aan la deggeneyn, dhul ahaanna aanu qiimo badan joogin maaddaama uu magaalada ka durugsanaa. Laakiin magaalada oo fidday ayaa ganacsatada daneeya dhulalka ku dhiirrigelisay inay gataan. Duleedka Muqdisho oo dhismeyaal casri ah laga hirgelinayo ayaa u sabab ah inuu dhulkan hadda yeesho qiimo badan.

Waa dhaqan meelo badan ka jira in dhulka bannaan qiimaha jaban loo oggolaado dadka soo barakacay si uu deegaan u noqdo oo qiimo uu u yeesho, lacag badanna loogu iibsado.

Faadumo Cali Yuusuf oo qoyskeeda uu ka kooban yahay toddobo qof ayaa ka mid ah dadka cidlada ku hoyanaya habeennada badan. Gogol banbiiro ah oo u taalla laamiga qarkiisa ayuu dhamaan qoysku ku wada seexdaa. Weriyaha Ergo ee Muqdisho ayaa kula kulmay meesha ay joogaan xilli ay dabka u saarneyd digir ay qado ahaan u diyaarsanayeen.

Iyada oo uu welwel badan ka muuqday ayay u sheegtay inay ka cabsato gawaarida isticmaasha laammiga oo isku xira Muqdisho iyo Afgooye inay ka dilaan carruurta oo kan ugu yar uu afar sano jir yahay. Sida ay dhibaatadan ugu dhacday joogto uma raadsato shaqooyinkeedii dhar-dhaqista oo waxay waqtigeeda ugu badan ku bixisaa ilaalinta carruurta. Biyaha waxay hadda ka dhaansadaan masaajid u dhow. Burburka gaaray dugsiyada wuxuu waxbarasho la’aan dhigay saddex ka tirsan carruurteeda.

Ammaanka xeryaha ayaa ah mid aan la isku halleyn karin, gaar ahaan xilliyada habeenkii. Dhacdooyin kufsi iyo boob isugu jira ayaa horay haween loogu geystay. Saddexdii bil ee u dambeysay sanadkii hore waxaa xeryaha duleedka magaalada lagu kufsaday 500 oo haween ah. Maaddaama ay jiifaan bannaan gabbaad la’aan ah Faadumo, waxay si aad ah uga cabsataa in la kufsado gabdheheeda ugu waawayn oo kala ah 14 iyo 18 sano jir. Lix bil ka hor ayuu qoyskeedu colaad uga soo barakacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qoysaska soo barakacay ayaa sheegay in iyadoo aan wax digniin ah la siinin laga saaray aqalladoodii. Hase yeeshee, Maxamed Ismaaciil oo ah guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo ah halka ay xeryuhu ku yaallaan ayaa noo sheegay inay dadku ka dhego adaygeen digniin ahayd inay muddo bil ah ku guuraan. Wargelinta ciidanka ka sokow, wuxuu xusay inay gaadiid cod baahiyayaal ay ku xiran yihiin ay ku faafiyeen digniinta.

Waaxda Dhul-bixinta gobolka Banaadir, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha oo aan la xiriirnay way diideen inay arrintan ka hadlaan. Hase yeeshee Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane oo aan wax ka waydiinnay waxa uga qorsheysan xaaladda dadkan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay u kireeyeen dhul kale si ay ugu raraan. Dhulkan oo aan ka fogeyn meesha ay dadkan joogaan ayaa cabbir ahaan ka yar kii hore, waxayna deggenaan karaan afarta sano ee soo socota sida uu maamulka kula heshiiyay dadkii lahaa.

Maamulka ayaa boqollaal qoys oo meesha cusub loo raray u qeybiyay baco iyo agab ay deegaan ka dhigan karaan. Laakiin waxa aan la ogeyn sida ay arrintan xal kama dambeys ah ugu noqon karto kumannaanka qoys ee ay weli hoy-la’aanta haysato.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here