Abaaro ka jira qaybo ka mid ah Togdheer

0
537

Degaanno ka tirsan bariga gobollada Togdheer iyo Saaxil ayaa weli ka taagan tahay abaar darani, gudoomiye kuxigeenka Togdheer Maxamed Diiriye ayaa Ergo u sheegay in sanadkii 4aad uu abaar yahay gobolka badidiisu, ayna tiro ka badan 30 tuulo hadda noqdeen kuwo laga guuray oo haawanaya.

Waxaynu ku jiraa wakhti abaar xumi gobolka ka jirto, iyadoo roobabkii dayrto ay gobolka intiisa badan aysan ka da’in, dadkana xooluhu ka dhamaadeen oo ay kadanbeeyeen wakhtigan jiilaalka ah ee qabawga ah dhul badan ayaa weli abaartii ka taagan tahay, hadda u daran  waxaa weeye waqooyga Togdheer gaar ahaan dhulka loo yaqaan saraar.

Weriyaha Ergo ee Burco Sidiiq Yuusuf ayaa warbixintaan inoo soo diray.

Halkaan hoose ka dhegeyso

 

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here