Saddex sano oo abaari ka jirtay ayaa keenay in dadkii xoolihii ka dhamaadaan, deegaanka Xagal oo qiyaastii 125km dhinaca bari ka xigta magaalada Berbera.
Gudoomiyaha Xagal Yuusuf Axmed Maxamuud ayaa Ergo u sheegay ilaa 7 tuulo ay hadda yihiin kuwo hawanaya oo aan wax dad ahi joogin abaarta darteed. Arrintaan waxaa ka dhashay nafaqa darro. Yaasiin Ibraahim Xuseen oo ah madaxa caafimaadka ee Xaga ayaa Ergo u sheegay in bishaan oo keliya 26 qof ay nafaqa darro ugu dhinteen deegaankaas,
Maxamed Xasan oo Yaasiin ku waraystay khadka telefonka, halkaan hoose ka dhegeyso.