Keydka sawirrada/Ergo

Haween sabool ah oo ku sugan meelo kala duwan oo Soomaaliya ah ayaa sameystay ganacsiyo iyagoo ka faa’ideysanaya nidaamka ayuutada. Habkan oo ku baahsan dalka, aadna caan uga ah ayaa meelaha qaar loo casriyeeyay si loogu kaashado maalgashi. Soomaaliya kama jiraan bankiyo deymo bixiya oo caawiya qoysaska aan dhaqaale ahaan is bixin karin.

Ayuutadu waa hab ay inta badan koox haween ah isugu darsadaan lacag, taas oo muddo lagu ballamay hadba qof haweenkaas ka mid ah la siiyo.

Ururka haweenka ee degmada Kismaayo ayaa ayuutada ay isku darsadaan u maamula haween gaaraya 520 qof, sida ay Raadiyo Ergo u sheegtay Sureer Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha ururkaas. Bil kasta waxaa haweeneydiiba laga qaadaa $3, wuxuuna ururku ku shubaa xisaab-banki oo u gaar ah. Iskaashigan waxaa qeyb ka ah haween soo barakacay, kuwo ka soo noqday xeryaha Dhadhaab iyo kuwa danyarta ah ee deegaanka.

Barnaamijkan oo socda toddobo bil waxaa ilaa hadda ka faa’ideystay toddobo haween ah. Haweenkan oo ah kuwii ugu horreeyay ee habkan lagu caawiyo ayaa hadda ku shaqeysta ganacsiyo yaryar. Ayuutada waxay ahayd in bilba qof la siiyo haweenka shirkada ku ah, hase yeeshee guddoomiyaha waxay xustay in haweenka ugu saboolsan ama xaaladda nololeed ee adag wajahaya ay u hormariyaan si ay noloshooda wax uga beddesho.

Jawaahir Cali Xasan oo korsata saddex carruur ah oo agoon ah ayaa ka mid ah haweenka ganacsiga ku abuurtay ayuutada ee ku nool Kismaayo. Waxaa lix bil ka hor la siiyay $1,500 oo ay ku furatay xarun ganacsi oo lagu iibiyo dharka, cabitaannada fudud iyo shidaalka. Fursaddan ayaa ka maaransiisay ku noolaanshaha xerada lagu barakacay ee Tawakal muddo siddeed sano ah. Waxay hadda awood u yeelatay inay bil kasta iska bixiso $70 oo kirada guri labo qol ah oo ay degtay, waxbarashada carruurta oo $90 ah iyo inay bil kasta $80 u jarto deynta lagu maalgeliyay.

Qofka sida Jawaahir oo kale loo maalgeliyo wuxuu bil kasta deynta ka bixiyaa hadba intii uu awoodo, laakiin haweenka kale oo xoogsato u badan khidmadda lagu heshiiyay ayay joogto u bixiyaan.

Jawaahir oo ka soo barakacday degmada Afmadow ee gobolka Hoose ayaa fursaddan ka hor iibin jirtay shaah iyo cunto bisil, kamana aysan heli jirin wax dhaafsiisan cuntada qoyska ee maalintaas. Heesashadeeda dhaqaale oo hooseysay awgeed, way ku adkeyd inay dugsi lacag ah geyso gabadheeda ugu weyn oo 14 jir ah oo labo sano ka hor uu xirmay dugsigii agoonta ee ay dhigan jiray.  Labo bil kahor ayay gabadha dib ugu noqotay waxbarashada.

Ayuutada noocaan ah oo wax weyn ka beddeshay nolosha qoysas badan waxay ka jirtaa magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Baydhabo, Gaalkacyo, Jowhar iyo meelo kale.

Ururka Nafis oo ka shaqeeya arrimaha bulshada wuxuu isku keenay haween u badan kuwa soo barakacay oo ku nool deegaanno ka tirsan Somaliland. Wuxuu ka caawiyaa in ay dhexdooda dhaqaale iska ururiyaan, sameysiga shaqo-abuur, fikradaha ganacsiga iyo sida loo kobciyo.

Muddo ku dhow afar sano oo uu barnaamijkan shaqeynayo waxaa ka faa’ideystay haween gaaraya 16,000 oo qof.

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas oo ah agaasimaha Nafis ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in habkan oo haweenka u sahlaya yeelashada wax soo-saar u gaar ah, ay dadka saboolka ah uga maarmi karaan ku tiirsnaaanta gargaarka hay’adaha samafalka.

Ayuutada oo soo jireen ahayd waxay kaliya haweenku dhaqaalaha ka soo gala u kaashan jireen ku fushiga dano yaryar oo u gaar ah. Hase yeeshee casriyeynta lagu sameeyay ayaa abuurtay rajo ay uga gudbi karaan saboolnimada, gaajada iyo inay waayaan waxyaabaha aasaasiga u ah noloshooda.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here