Dad ku jiray xeryo barakaca oo Burco ku yaal oo dib ugu noqonaya miyigii

0
289

Burco oo ay ku yaalaan saddex xero oo ay ku jiraan dadkii ku soo xoolo belay abaartii, ayna ku sugnaayeen 11kii bilood ee la soo dhaafay ayaa bilaabay inay dib ugu noqdaan deeganadii ay ka yimaadeen.

Ismaciil Aadan Diiriye oo ah gudoomiyaha xerada Garoonka oo 7km waqooyi ka xigta Burco ayaa Ergo u sheegay in todobaadkaan gudihiisa ay ka noqdeen xeradaas 56 qoys, halka 260 kalena ay u xir xiran yihiin inay ka guuraan.

Sababaha ayuu ku sheegay nolosha xeryaha oo aad u adag, dadkuna aysan helin wax gargaar joogto, xeradaan oo ay ku jiraan 817 qoys.

Halkaan hoose ka dhegeyso xogta

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here