Daraasad: Roob-yarida oo keliya ma sababto abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya

0
731

Roob-yarida oo keliya sabab uma aha abaaraha daba dheeraaday ee ku soo noqnoqday Soomaaliya, sida ay sheegtay daraasad uu 29-kii Nofeembar soo saaray madaxa xarunta daraasaadka ee jaamacadda PSU, Saciid Shidaad Xaaji Xuseen. Xaalufka ayuu ku tilmaamay dhibaato weyn oo si dhab ah u sii ballaarineysa abaaraha. Wuxuu xusay kororka dadka, si xun u magaaleynta miyiga, daaqsinta dhul-feenashada ah, dhir-jaridda, carro-guurka iyo isbeddelka cimilada inay sabab u yihiin xaalufkaas.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in roob-yarida iyo isbeddelka cimilada ay yihiin arrimo dabiici ah oo weligoodba la arki jiray, laakiin maanta dhibaatooyinkaas kale oo iskaashaday ay keeneen in roobkii 30 sano ka hor waxtarka lahaa uusan maanta waxba soo kordhineyn dhulkii oo gawaan noqday awgeed. “Roob yar oo dhiiqo ah marka uu da’o 40 sano ka hor dad badan ayaa ku degi jiray oo la isuma soo guuri jirin, laakiin maanta meeshii yar ee uu roob ka da’o waa la isugu imaanayaa,” ayuu yiri.

Carro-guurka oo inta badan ay keenaan dabeylaha, biyaha iyo cagta xoolaha ayaa waxaa hadda ku darsoomay ugana sii daray socodka baabuurta. Saciid ayaa xusay marka ay dhirtu dhamaato in ay biyaha si fudud ciidda u qaadayaan iyagoo dhulka ka dhigaya boholo, taas oo sii kordhineysa xaalufkii horay u jiray. Tan ayaa sababeysa in aysan abaartu si dhab ah u dhamaan, dhulkuna uusan awood u yeelan soo saarista daaqii la arki jiray. “Waxaa jira lama-degaan aan la qiyaasi karin oo aan laga fiirsan oo aad u ballaaran oo soo fool leh,” ayuu yiri.

Dhirtii ku taallay dooxooyinka ayuu sheegay in 80 boqolkiiba ay baaba’day 30-kii sano ee u dambeeyay, halka tii qararkana ay baaba’day 30 boqolkiiba.

Tan iyo bishii Abriil ee sanadkan oo ah intii uu daraasadda sameynayay wuxuu socdaal ku tagay lix gobol oo kala ah; Mudug, Nugaal, Bari, Sanaag, Sool iyo Awdal. Wuxuu u kuurgalay dhibaatooyinkan, isagoo wareystay dad badan.

Saciid Shidaad ayaa ku taliyay in la abaabulo xoolo-dhaqatada iyo dadka caadiga ah ee magaalada jooga, lana dareensiiyo dhibaatada iyo xajmiga nabaad-guurka dhulka ku dhacay si ay u sameystaan ururro iyo dhaqdhaqaaq deegaan-u-qareen ah, dowladdana ay kula xisaabtamaan wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka. Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la horumariyo beerista calafka.

Wuxuu sidoo kale xalka muddada dhow u arkaa in la billaabo dhaqangelinta siyaasadaha ay dowladaha iyo maamullada soo jeediyeen, lana sameeyo boolis sharciyada iyo siyaasadaha deegaanka fulinaya. Wuxuu qabaa reer miyiga iyo xoolo-dhaqatada in la siiyo qalab ay ku yareyn karaan nabaad-guurka, ayna ku ururin karaan qashinka badan ee miyiga lagu daadiyay.

Wuxuu xalka muddada dheer u arkaa in la dejiyo reer guuraaga iyadoo lagu billaabayo qoysas tusaale ah; iyo in raacatada qaraabadooda reer magaalka ah lagu boorriyo inay taageeraan dejinta raacatada.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here