Samiira Dirir Aadan oo 16 bilood jirtay ayaa ahayd qofkii u dambeeyay ee nafaqo-darro ugu dhinta xero lagu barakacay oo ku taalla deegaanka Balli-mataan oo 70 km u jira Hargeysa. Gabadhan oo dhimatay labadii Diseembar ayaa 24 ka dhigeysa tirada carruurta labadii bil ee u dambeysay nafaqo-darrada ugu dhintay halkaas sida uu sheegay Dr. Khaalid Cabdi Yuusuf oo ah maamulaha xarunta caafimaad ee deegaanka.
Dhaqtarka ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in nafaqo-darrada oo ka dhalatay cunto-yari ay sababtay abaarta oo weli ka taagan deegaanka ay u jiifaan 254 carruur ah. Sida uu tilmaamayo tobankii carruur ah ee xaruntooda la soo gaarsiiyo saddex ka tirsan ayaa qabta nafaqo-darro heerka aadka u liita ah.
Xarunta caafimaad ma laha meel gaar ah oo la seexiyo bukaannada, mana taallo dawo ku filan baahidan caafimaad. Laakiin bukaannada loo keeno oo baaritaan kaddib xarunta laga celiyo wuxuu buskut iyo caano nafaqada soo celiya ku siiyaa aqalladooda.
“Carruurta qaarkood madaxa ayaa waynaada, way bararaan, jirkooduna diirka ayaa ka dhaca. Marka aan miisaanno waxaan aragnaa labo jir uu miisaankiisu yahay 4 kg ilaa 6 kg, mana lihin awood aanu ku daweyno marka ay nafaqo-darrada heerkaas gaarto,” ayuu yiri Dr. Khaalid. Kuwa ay xaaladdooda liidato waxay xaruntu ku talisaa in loo gudbiyo isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Laakiin dadka oo intooda badan aan awoodin gaari-raaca ayaa carruurtooda dib ugu celiya xeryaha.
Aamino Ibraahim Hogos waxay kamid tahay qoysas caruurtooda dib ugu celiyay xerada barakaca ee Balli-mataan, kadib markii ay adeeg caafimaad u wayday saddex kamid ah caruurteeda oo nafaqo-darro la ildaran. Waxaa ugu liita wiilka ugu yar oo labo sano jir ah, kaas oo dhakhaatiirta ay ku taliyeen in loo qaado magaalada Hargaysa si uu daryeel caafimaad u helo.
Waxey sheegtay in miisaankiisu hoos u dhacay isla markaana barar uu qariyay jirkiisa, iyadoo tilmaamtay inaanu cunin wax nafaqo leh oo awoodiisa soo celiya, ayna ka wel-welsanahay xaaladiisa caafimaad.
Aamino ayaa sugaysa nasiibkeeda in wiilkeeda uu u noolaado, maxaa yeelay hooyadan oo bilawgii sanadkan degtay xerada ma haysto lacag ay ku raacdo gaari geeya xarun caafimaad oo wayn.
Inta badan caruurta Aamino oo sideed ah ma helaan wax ay cunaan, waxayna noloshoodu ku tiirsantahay hadba waxa ay ka helaan dadka deegaanka. Saygeeda oo waayeel ayaa xanuunsanaya mana awoodo raadinta biilka reerka. Labadii bilood ee ugu danbaysay qoysaska xerada ku nool ma helin wax gar-gaar ah. Waxaana markii hore deeq u qaybin jirtay hay’ad laga leeyahay dalka Sucuudiga oo la yiraahdo Al-kheyr.
Waxaa dhanka kale jira caruur loo qaaday isbitaalka Hargaysa halkaas oo ay jiifaan 11 caruur ah oo 7 kamid ah laga keenay deegaanka Balli-mataan halka afarta kalena laga keenay deegaanno ka baxsan Hargaysa.
Maamulaha xarunta caafimaad ee deegaanka Balli-mataan Dr Khaalid ayaa walaac ka qaba heerka nafaqo-darrada caruurta haysa in ay noqon karto nafaqo darada daran, maadaama aaney xaruntooda caafimaad laheyn meelaha dadka la seexiyo iyo dawooyin ku filan xaaladaha caafimaad ee deegaanka ka jira.
Ilyaas Cabdi Cali
Hargaysa