Xoolo-dhaqato ay abaarta ceyrteysay oo ka quustay noloshii miyiga

0
116

Xabiibo Xasan Jaamac oo 36 jir ah, waxay nolosha sagaalkeeda carruurta ah ku maareysaa lacag ka yar hal doollar oo ay maalintii ka hesho saabbuun iyo oomo ay ku dhex iibiso kaamka ay deggan tahay oo ku yaalla deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud. Lacagta ay maalinta oo dhan hesho uma goyso wax ka badan kiilo sokor ah, sidaas oo ay tahay noloshaas ayay ka door-bideysaa tii xoolo-dhaqashada ee miyiga. Abaarta oo ka dishay dhammaan arigeedii ayaa ku khasabtay in ay toddobo bil ka hor ka soo barakacdo miyiga gobolka Hiiraan.

Hooyadan oo keligeed u shaqeysa qoyska, maaddaama uu seygeeda indhoole yahay ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in maalmaha qaar oo ay wayso cid wax ka iibsata ay carruurteeda qadaan, marka laga reebo marar dhif ah oo kaalmo aan badneyn ay ka hesho qaraabadeeda oo dadka deegaanka ah.

Waxay tilmaanay inay la qabsatay nolosha magaalada, iyada oo rajo ka qabta haddii ay fursadda u saamaxdo inay ka guurto xerada ay deggan tahay oo lagu magacaabo Barakeeye.

Maxamed Macallin Xasan oo ah xoghayaha Dalladda Barakacayaasha Guriceel ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in qoysas gaaraya 271 qoys oo kan Xabiibo uu ka mid yahay oo aysan ka horreyn xoolo ay dhaqdaan ay go’aansadeen in aysan dib dambe ugu noqon noloshii miyiga, xitaa haddii ay helaan cid ka caawisa dib u helista xoolo ay dhaqdaan. Dadkan waxay ku nool yihiin afar xero oo deegaanka ku yaalla.

Roobka deyrta ayaa xilligan ka da’aya deegaanno badan oo Soomaaliya ah oo uu ku jiro miyiga Labi-Hiiraan oo qiyaastii 20 km u jira degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ah halka ay ka soo barakacday Xabiibo. Xilliyadan roobka waxay reer miyiga xoolahooda u helaan daaq iyo biyo, laakiin sanadkan dad badan oo ka faa’ideysan lahaa roobka waxay barakac ku yihiin magaalooyinka.

Xabiibo waxay ka mid ahayd dadka ugu hantida badan miyigeeda. Saddex boqol oo ari ah oo ay dhaqaneysay ayaa ugu filnaa dhan kasta oo noloshooda ah.

Way adag tahay inuu magaalada la dego, la qabsado isla markaana ka shaqeeyo qof reer miyi ah oo aan lahayn xirfad uu ku shaqeyso sida uu aaminsan yahay Maxamed Xasan Diiriye oo ka mid ah xoolo-dhaqatada u soo barakacday Guriceel. Inkastoo uu u shaqo-tago meelaha ay dhismeyaasha ka socdaan oo uu dhagaxa jebiyo, haddana taas ma aha shaqo joogto loo helo.

Deegaanka Qeydar ee xadka Itoobiya ayuu shan bil ka hor ka soo raray qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof markii ay abaarta uga dhamaadeen 150 ari ahaa oo uu dhaqan jiray. Qoyskiisa wuxuu ku hayaa xerada lagu barakacay ee Al-Caddaala 2, laakiin wax kasta oo ay ku qaadato waxaa ka go’an inuu magaalada sii degganaado oo uusan dib dambe ugu noqon miyi iyo xoolo-dhaqasho.

Saameynta abaarta ayaa dadkan ka niyadjebisay noloshoodii hore. Ma jiro qorshe socda oo deegaameyn loogu sameynayo, gargaarka ugu badanna waxay intooda badan ka helaan eheladooda.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here