Dad gaaraya 450 qoys ayaa ku aqallo beelay roobab xoog leh oo toddobaadyadii u dambeeyay ka da’ayay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Qoysaska oo ka soo barakacay abaarihii u dambeeyay ee ku dhuftay gobolka ilaa dhanka Itoobiya ayaa aqallo buushash ah oo ka sameysnaa baco iyo cows ka dhistay lix xero oo ku yaalla duleedka magaalada.
Labo carruur ah oo ay da’doodu kala tahay afar sano jir iyo lix jir ayaa la badbaadiyay oo laga soo dhex saaray biyaha roobta oo da’ay labo toddobaad ka hor xilli ah hooyadood maqneyd sida uu ku soo warramayo weriyaha Ergo.
Dadka qaar wuxuu daadku kala tagay maacuuntii, dharkii iyo agabkii kale ee u dhex yaallay aqalladooda. Welina qaarkood ma helaan meel ay uga gabbadaan roobka deyrta oo si xiriir ah uga da’aya Caabudwaaq tan iyo markii uu billowday bishii hore ee Oktoobar.
Dadkan ayaa qaarkood ku hoyda geedaha hoostooda iyo dhul bannaan oo xerada ah, halka qaar kalena ay dulsaar ku noqdeen eheladooda oo deggan magaalada. Haweeyo Nuur oo haysata lix carruur ah oo ay kala soo barakacday deegaanka Eelaay ee dhanka Itoobiya ayaa ka mid ah dadka bannaanka jiifa ee ay aqalladu ka dumeen. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in haddii ay dib u dhisan lahayd ay biyuhu weli dhex fadhiyaan aqalkooda. Ma haystaan maro-kaneecooyin iyo gogol, dharkiina wuu ka qoyay.
Waxay xustay in helista raashinka oo ku adkeyd ay ugu darsoontay hoy la’aanta. Xareedda uu roobku dhigay meelaha biyo fariisinka ah ayay sheegtay inay dhaansadaan oo ay cabaan.
Hooyadan oo tan iyo bishii Abriil ee 2016 joogta kaam lagu magacaabo Harqaboobe ayaa tilmaantay in qoyskeeda uu abaarta ku waayay 150 ari ahaa.
Madaxa arrimaha bulshada ee maamulka degmada Caabudwaaq, Muuse Axmed Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in warbixin ay ka diyaariyeen xaaladda dadkan ay la wadaageen hay’adaha gargaarka, balse aanay jirin cid ilaa hadda ka soo jawaabtay. Wuxuu xusay in dadkaas oo aan xitaa musqulo haysan ay u baahan yihiin gurmad dhinac kasto leh.