Xoolalleyda ku dhaqan gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa xoolahooda ku quudinaya badarka, isla markaana dhaafsanaya xoolaha weydka ah cunto, sababo la xiriira abaaraha ba`an ee ka jira qaybo ka mid ah gobolka.
Ibraahim Axmed Quulle, oo ka mid ah dadka tuulada Xoodeed, ayaa sheegay in ilaha biyaha ay qallali rabaan ayna xaaladdu adag tahay. Sidoo kalena qaar ka mid ah xoolahooda ay yihiin weyd oo aan la iibin karin. Taas beddelkeedna, xoolaha weydka ah ay dhaafsanayaan badar si xoolaha kale loogu quudiyo.
Deegaannada ugu daran ayaa ah Unuunley, Ina-af-madoobe, Beer-kirir, Sarar, Dhakool iyo Gaatama oo xoolaha la siiyo badarka sida haruurka iyo galleyda, kadib markii la waayay baad ay daaqaan.
Canab Yuusuf oo ka mid ah xoolalleyda deegaanka Ina-af-madoobe ayaa sheegtay in marka arigeeda uusoo xaroodo isagoon waxba soo cunin ayna u dhigto haruur.
“Mararka qaar maba heleysid wax aad badar ugu soo iibiso. Dhulkii malaha baad ay xooluhu daaqaan, oo imika guriga ayaanba ku heynaa oo aan ku quudinnaa,” ayay tiri Canab oo niyad jab muujineysa.
Sanadkan ayaa gaar ahaan uu ka jiraa gobolka Jiilaal daran, iyadoo roobab ku filanna uusan helin gobolku.
Ibraahim waxaa kale oo uu sheegay in badarka xoolaha lagu quudiyo ay ka qaadeen cudurro oo ay bukaan, sidaa darteedna ay maamulka Somaliland iyo hay`adaha xoolaha ka codsanayaan inay tallaal u geeyaan.
Sidiiq Yuusuf Khalaf/FM