Toddobo carruur ah ayaa cudurka Jadeecada ugu geeriyooday degmada Waajid ee gobolka Bakool todobaadkii hore, 52 kalena waa ay la xanuunsanyihiin, siday noo xaqiijiyeen saraakiil caafimaad oo ka socotey Wasaarada Caafimaadka maamulka Koonfur galbeed dhowaana booqasho ku tegay degmada Waajid.
Weriyaha Ergo ee Baydhabo, Muxyadiin Xusni ayaa warbixintaan inoo soo diray.