Curyaan gurguurta oo bajaaj wadis ku shaqeysta

0
67

(ERGO) – Dabeyl ayaa Mukhtaar Cali Isxaaq ka naafeysay qaarka dambe ee jirkiisa 44 sano ka hor. Laakiin taas kama hor istaagin inuu waxbarto oo uu shaqeysto si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa. Wuxuu wade ka yahay bajaaj uu isaga leeyahay oo ka dhex shaqeysa magaalada Baydhabo. Sida gawaarida caadiga ah waxay bajaajtu leedahay isteerin ay tahay in gacmaha lagu maamulo, iyo sheellare iyo fariin aan lugaha looga maarmeyn. Hase ahaatee tan Mukhtaar waxaa loo farsameeyay si ka duwan habkaas.

“Sheellaraha iyo fariinka waxaa loo soo raray meesha kore ee isteerinka si aan wax kasta gacmaha ugu maamusho,” ayuu Mukhtaar u sheegay Raadiyo Ergo. Waa bajaajtii ugu horreeyay ee nooceeda ah ee uu qof lixdaaka la’ uga dhex shaqeysto magaalada Baydhabo. Bajaajtu waa gaadiid yar oo qiimo jaban, dad badan ayayna u gashay booskii taksiyada iyo basaska. Sida gaadiidka kale uma hakato saxmadaha iyo cariiriga waddooyinka. Qoysas badan ayay kaabe dhaqaale u tahay, qiyaastiina waxaa magaalada ka howlgasha 500 oo bajaaj.

Mukhtaar waa 58 jir gurguurta. Labo kab oo dacas ah oo lugihiisa itaal-beelay uu gashado marka laga reebo kab saddexaad ayuu gacantiisa bidix geliyaa si uu ugu taagsado. Gacanta midig wuxuu ku taageeraa lugtiisa midig oo uu ku jiido marka uu gurguuranayo. Mukhtaar oo howlwadeen ka ahaa qeybta hanti-dhowrka ee wasaaraddii howlaha guud xilligii Dowladdii Kacaanka, wuxuu burburkii kaddib ku khasbanaaday inuu helo xirfad kale. Wuxuu noqday dukaanle. Waa la dhacay. Mar kale ayuu isku dayay ganacsiyo yaryar, wuuna ku guuldarreystay.

Muddo ayuu shaqo-la’aan ahaa. Afar sano ka hor bajaajtu waxay Baydhabo ka noqotay gaadiid muhiim ah oo aad loo isticmaalo, lacag badanna laga helo. “Wedisteedu ma aha wax sida shaqooyinka qaar u baahan xoog badan. Waa shaqo sharaf ahaan ii wanaagsan oo aan uga dhowrsan karo uskagga iyo gurguurashada,” ayuu yiri Mukhtaar oo ka qalinjebiyay dugsiga sare ee Jamaal Cabdinaasir 1982-kii. Way adkeyd isagoo lixaadka la’ inuu Baydhabo ka helo shaqo kale oo dhaqaale ahaan ku filan qoyskiisa oo ka kooban 14 carruur ah iyo labo xaas.

Mukhtaar oo 14 jir ku curyaamay isagoo jooga deegaan lagu magacaabo Kurte oo 30 km u jira degmada Waajid ee gobolka Bakool, wuxuu bajaajta iibsaday saddex sano ka hor. Maalin kasta wuxuu shaqeeyaa 10 saac oo xiriir ah, si uu u daboolo baahida dhaqaale ee qoyskiisa ballaaran. “Celcelis ahaan waxaa maalintii iga soo gasha 500,000 oo shilin Soomaali ah ($24),” ayuu yiri. Lacagtaas wuxuu deeqsiiyaa masruufka, marashada, daryeelka caafimaad iyo waxbarashada carruurtiisa oo shan ka tirsan ay kala dhigtaan dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.

Mukhtaar oo qoyskiisa uu xoolo-dhaqato ahaa weligiis lagama tallaalin cudurrada dilaaga ah. Subaxa uu curyaannimada ku soo toosi doono habeenkeedii caafimaad-qab buu ku seexday isagoo qorsheynaya inuu ariga u raaco reerka marka uu waaga baryo. Argagax lama filaan ah oo ka niyad-jebiyay hankii uu nolosha ka lahaa ayuu ku noqday. Maalmo ayuu oynayay. “Waxaan isku arkay inaan ka liito dadka kale,” ayuu yiri isagoo dib u xusuusanaya uur-ku-taalladii subaxaas.

Cabsidii ugu weyneyd ee uu qabay waxay ahayd inuu wax qabsan waayo oo uu ku tiirsanaado dad kale. Hadda waa nin qoys dhisay oo barbaariyay oo ku qanacsan noloshiisa. Waa darawal aan cidna uga baahneyn inay ku kaalmeyso fuulista, kaxeynta iyo ka-degista bajaajtiisa. Marka uu fuulayo jilbaha ayuu dhulka dhigtaa. Birta bajaajta ayuu gacanta ku qabsadaa ilaa uu kursigiisa ka fariisto, sidaas ayuuna ku kaxeeyaa. “Marka aan dagayana sidaas oo kale gacanta ayaan mar kale birta ku qabsadaa waan isa soo laalaadiyaa, jilbaha ayaan dhulka dhigtaa, sidaas ayaana uga dagaa,” ayuu yiri.

Baydhabo oo keliya waxaa ku nool 1,400 oo qof oo ay naafeeyeen cudurro, colaado iyo shilal. Badidood ma laha xirfado ay ku shaqeystaan, qaarka lehna ma helaan shaqooyin, taas oo u nugleysay dadka lixaadka la’ qaarkood inay dawarsadaan.

Mukhtaar oo tusaale ay ku daydaan u noqday dadka kale ee lixaadka la’ ee ay isku magaalada joogaan wuxuu ka soo horjeedaa in dadka naafada ah ay is-liidaan oo ay gacanta hoorsadaan ama ay ku tiirsanaadaan dad kale. “Caqabaduhu way badan yihiin, laakiin waa inaan ka fikirno sidii aan nolosheenna u maareyn lahayn. Naafannimada ugu daran waa tan qalbiga,” ayuu yiri. Hadda waxaa Baydhabo gudaheeda bajaaj wadis uga shaqeysata saddex qof oo kale oo naafo ah. Si la mid ah Mukhtaar, waxay wadaan bajaaj sheellaraha iyo bareeggaba lagu dhajiyay meel u dhow isteerinka oo gacmaha ayay ku maamushaan. Waxaa sidaas u rakibay geerash ku yaalla Baydhabo oo uu Mukhtaar fikradda ula tegay.

Mohamed Shariff

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here