Xoolo dhaqato dib ugu laabanaya qaybo kamid ah gobolka Bakool

0
86

Boqolaal xoolo dhaqato ah oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay xoolohoodii ula hayaamay deegaanno ka tirsan gobolada Bay iyo Shabeellada Hoose ayaa labadii todobaad ee ugu danbaysay dib ugula laabtay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya oo roobab ka da’een.

Maxamed Aadan Macallin wuxuu kamid yahay xoolaleyda dib ugu laabtay deegaanka Moora gaabey oo 30km Koonfur kaga beegan magaalada Xudur. Muddo sanad iyo laba bilood ah ayaa 300 xoolo isugu jira Ari, Geel iyo Lo’ waxaa uga soo haray 75 neef oo ari ah oo uu ula guuray gobolka Shabeelaha Hoose si uu baad iyo biyo ugu raadiyo. Maxamed ayaa deegaankiisa kusoo laabtay muddo 20 maalmood laga joogo isaga oo ay weheliyaan qoyskiisa oo ka kooban toban ruux.

“Dhul dheer ayaan jirney si xoolaha hadba inta noo hartey meeshii daaq laga heli karo ula cararno, inta aan sii soconey xoolaha qaar ayaa naga dhintey alxamdulilaah wixii iiga soo harey waxaan la imid dhulkii oo roob ka da’ay oo warihii deegaanka biyo buuxaan, dhulkuna cagaar wada noqdey deyrtana bilow tahay,marka aad ayaa loogu soo noqonayaa deegaanka”

Ilaa tiro ka badan 8 Boqol oo qoys ayaa ku laabtey tuulooyinka Moora gaabey,Teet, Ma-dhaayto, Gooroyey, Waney, Farak, Abal iyo Banjiney oo dhammaantood dhaca Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Xudur kadib markii roobabka deyrta ay ka curteen deegaannadaas oo masaafo ahaan Xudur u jira inta u dhexaysa 10km ilaa 90km.

Tuulooyinka dhaca Koonfurta iyo Bariga Xudur, waxaa la sheegayaa in qiyaastii maalinkasta ay soo gaaraan qoysas gaaraya 30 kuwaas oo kasoo laabtay deegaannadii ay markii hore daaqa iyo biyaha u doonteen, sida ay Radio Ergo u sheegeen dadka deegaanku.

Dib usoo laabashada xoolo-dhaqatada qaar ee gobalka Bakool ayaa dhanka kale waxaa ka dhashay dhaqdhaqaaq ganacsiga xoolaha ah gaar ahaan suuqa xoolaha ee magaalada Xudur oo mudo sannad ah wax xoolaha ah aan lagu kala iibsan.

Cabduqaadir Xasan Maxamuud waxaa uu kamid yahay ganacsatada xoolaha ee degmada Xudur,waxaa uu Radio Ergo u sheegey in suuqa ganacsi fiican oo dhanka xoolaha uu ka jiro, sidoo kalena xoolaha ariga, lo’ada iyo geela la keenayo suuqa uu muuqalkooda fiicanyahay qiimaha lagu kala iibsanayona uu sarreeyo.

“Hadda dadkii waa soo laabteen , xoolo ay ganacsi u rabaan ayay halkan keenayaan, maalintii toban neef waan u kala iibiyaa xoolaleyda iyo ganacsatada kale”.

Cabdiqaadir, ayaa xusay in qiime ahaan xoolaha la keenayo seyladda degmada Xudur ay kala duwan yihiin xilligii abaartu jirtay iyo hadda oo deegaanku roobsaday.

“Marki hore dadka waxay keeni jireen xoolo la kicinayo, laakiin hadda waxaa la keenayaa xoolo qiime fiican leh, neefka qurbaca ah waxaa lagu iibsanayaa 18 ilaa 20 milyan oo Shilin”

intaanay xirmin seyladda xoolaha ee Xudur Abaarta ka hor, xoolaha la keenayo suuqa oo abaarta nugleysay darteed, neefka geela ah waxaa lagu iibsan jiray 9 ilaa 10 milyan oo shilin Soomaali ah.

Gobalka Bakool ayaa ka mid ahaa meelaha ay abaartu aadka u saameysey, inta badan bulshada degta oo xool0-dhaqato u badan ayaa kumannaan qoys ku xoolo beeleen, halka qaar kalena kala bar xoolihii ka dhammaadeen hadana dhulkoodii kusoo laabanaya oo kasoo kabanaya dhibaatadii abaarta.

Muxiyadiin Xusni
Baydhabo

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here