Markii uu dhacay qaraxii isgoyska zoobe Dhibaatadii ugu weyneyd ee ay la kulmeen dadkii ku dhaawacmay waxay ahayd in qaarkood oo u baahnaa in dhiig degdeg ah lagu shubo oo loo waayay dhiiggii ay u baahnaayeen.
Sida uu sheegay qof ka mid ah dadkii gurmadka samaynayey5 ruux oo ka mid ah dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxa ayay naftu ka baxday intii lagu howlanaa raadinta nooca dhiiggooda.
Takhaatiirta iyo dadkii mutadawacnimada u shaqaynayey waxay sheegeen in nafo door ah la bad baadin kari lahaa haddii bangi dhiig jiri lahaa. Warbixintaan waxa inoo soo diray Aweys Xaaji.