Ilaa 300 oo qof oo carruur u badan ayuu saameeyay cudurka jadeecada oo ka jira degmada Caynaba ee gobolka Togdheer. Dadka ugu badan ee cudurku saameeyay ayaa ah dadka xoolo-dhaqatada ahaa ee abaartu soo barakicisay.
Weriyaha Ergo uga soo warrama magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali, oo dhowaan safar ku maray degmada ayaa warbixintaan inooga soo diyaariyay.