DHAGEYSO RAADIYO ERGO

0
70

Adduunkaan ummadaha ku nool  eeddu kala gaadhay Adduunkaan afduubkiyo fitnada ololeynaaya Adduunkaan awood-sheegadkiyo aarsashadu taallo Adduunkaan xaqiiqada inkiray beentana u oomman

Aaladaha wax duuboo xogtiyo wararka iib geeya

Aafaadka jira meediyaa lagu abuuraaye

Ergo inta laga ogyahay eed ma ay geline

Asal iyo xog aasaasiya iyo danaha insaanka

Ilo sugan akhbaar laga heliyo warar la uur-baaray

Iyo eex la`aan bey dunida ugu adeegtaaye

Aagagga dagaallada ad-adag lagu ihaaneeyo

Maatada asqowdiyo ilmaha keynta lala aado

Qaxootiga ambaday oo arradan uumatana heysan

Ergo kama ilduuftee dhab bey ugu adeegtaaye

Abaar iyo colaad iyo halkii dhibi ka oognaato

Ergo eex la`aan iyo run bey ugu adeegtaaye

Idaacaadka adduunyada jiroo meel kastaba ow leh

Midda ugu adeeg wacan haddaan kala ogaaneyno

Kolley anigu Ergaan oran lahaa aragtideydiiye

Waxaa tiriyay: Abwaan Axmed Dheere oo Cadaado ku sugan

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here