SAADAASHA HAWADA

0
94

Saadaasha xilli roobaadka  Deyrta sanadka 2012ka Oktoobar – Nofambar.

Waxay saadaashu sheegaysaa in cimilada xilli roobaadka Deyrta inta u dhaxeysa Oktoobar – Nofambar gudaha Soomaaliya ay tusineysaa in inta badan dalka laga yaabo inay helaan roobab sare oo ay la socdaan xaaladaha Isbeddelka aan joogtada ahayn ee cimilada (El nino).

Roobabkan oo xilligooda da`aya ayaa la filayaa inay u wanaagsanaan doonaan qeybo badan oo dalka ka tirsan. Dabeyllo xooggan ayaa la filayaa inay kacaan inta xilligaasi lagu guda jiro, iyo inta ka sii xaggeysaba, inta lagu guda jiro roobabka yar ee bisha November.

Bilaha Oktoobar – Nofambar- Disembar (OND) ee sanadkaan saadaasha waxay muuinaysaa in meelaha laga yaabo inay helaan roobab sare ayaa waxaa ka mid ah: gobollada koofurta iyo bartamaha (deegaannada webiyada Jubba, Shabelle & Galgadud) iyo woqooyiga iyo galbeedka (Awdal iyo galbeedka gobolka Woqooyi Galbeed). Dhulalka sare ee Itoobiya halkaasoo ay webiyada Jubba iyo Shabelle ay kasoo abuurmaan ayaa la filayaa iney helaan roobab caadi ah. Qeybaha kale ee dalka ayaa la filayaa iney helaan roobab iska caadi ah.

Saameynta la filayo in roobabkaas ay ku yeeshaan beeraha, haqab-beelka cunnada iyo xoolaha meelaha dhul beereedka gaar ahaan woqooyi-galbeed iyo qeybaha koofureed ee dalka ayaa la filayaa iney helaan roobab wanaagsan isla markaana si wanaagsan u wada gaara. Sidaa darteed waxqabadyada beereed ayaa la filayaa iney roobabkaasi wanaagsan dartood ay horumar sameeyaan. Beeraleyda ayaa lagula talinayaa inay khubarada gudaha ay kala tashadaan dalagyada ay beeran karaan xilligan.

Xaaladaha abuurka iyo daaqsinka ee meelaha daaqsineed ayaa la filayaa inay horuumaraan sababo la xiriira roobabka wanaagsan ee la filayo xilli-roobeedkan haddii Alle idmo.
Xagga caafimaadka ayaa waxaa la filayaa in daadadka ku fataha meelaha qaar ay sababi karaan cudurrada ka dhasha biyaha sida daacuun-caloolaha, Typhoid iyo Calool-dhiigga, taasoo loo baahan yahay in ka hor-tag fiican la sameeyo si loo xakameeyo inay sii fidaan.
Dhamaad.

SWALIM – Somalia

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here