Siday sheegayaan masuuliyiinta xeryaha barakacu labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa xeryaha lagu barakacay ee Daryeel ku umul raacay 4 haween ah, halka xerada kale ee Iskaashina ay ku umul raaceen 8 haween ahi .
Shan haween ah ayaa t xerada Daryeel ku dhintay 30kii maalmood ee la soo dhaafay, kuwaas oo lagu sheegay inay isugu darsameen fooshii oo ku dheeraatay iyo dhiig la’aan, sida uu Ergo u sheegay Maxamuud Shaafi Cabdiraxmaan oo katirsan guddiga xerada Daryeel. Labadaan xero ayaa ku yaal Km 13 oo ah wadada Afgooye iyo Muqdisho xiriirisa.
Laga soo bilaabo sanadkii 2016-ka oo keliya waxaa labadan xero midkiiba ku biiray 1000-qoys kuwaas oo ah dad kala yimid gobollada dalka, saamayna ay ku yeelatay abaartii dalka ka dhacday.
Munasar Maxamed Cabdi ayaa soo diray warbixintaan, halkaan hoose ka dhegeyso