Qoysas ay abaarta saameysay oo aan weli helin deeqda guddiyada gurmadka ee gudaha

0
82

Dad badan oo ay abaarta saameysay oo ku nool deegaanno kala duwan oo hoostaga maamulka Galmudug ayuusan gaarin gargaarka uu guddiga gurmadka abaaraha ee maamulkaas ka helay kan heerka qaran. Sida aan xog ku helnay meelaha uu guddigan ka qeybiyay deeqaha waxaa ku jira kuwo qoysaska la siiyay lacag aad u yar oo aan xitaa u goyn karin hal waqti wax ay cunaan.

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug, ahna guddoomiye ku-xigeenka guddiga gurmadka abaaraha ee maamulkaas, Cumar Maxamed Guureeye ayaa wareysi aan la yeellannay toddobaadkii hore noogu sheegay in lacag gaaraysa $300,000 ay bilihii Febaraayo iyo Maarso ka guddoomeen guddiga qaran ee gurmadka abaaraha. Lacagtaas ayuu xusay inay bilihii xigay u qeybiyeen dhammaan dadkii loogu talagalay ee ku noolaa dhulka ay abaarta saameysay.

Hase yeeshee, Maxamed Nuur Diiriye oo ah 50 jir xoolo-dhaqde ah oo ku nool deegaanka Docol oo 40 km u jira Gaalkacyo ayaa Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegay in deegaankooda oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay abaarta saameysay aan laga qeybin wax gurmad ah oo uga yimid guddiga gurmadka abaaraha ee Galmudug. Labo jeer oo ay gargaar raashin ah ka heleen hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) waxaa markii ugu dambeysay oo ahayd bishii Luulyo ka soo gaartay qoyskiisa haaf bariis ah.

Aabbahan oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 10 qof ayaa noo sheegay in abaarta oo muddo ku dhow labo sano ka jirta deegaankiisa ay uga dhinteen 181 ari ahaa iyo 27 geel ahaa. Xoolaha u haray oo ah 22 neef oo ari iyo geel isugu jira ayuu xusay in aysan cudud iyo caanaba lahayn. Wuxuu sheegay in ay biyaha ka dhaansadaan ceel riig ah oo deegaankooda ku yaalla, balse ay dhibaato ku qabaan helista cuntada. Marmar uu helo cid ka iibsata qoryo xaabo ah oo uu ka soo guro duurka halmar ayuu qoysku wax cunaa, inta kalena wuu qadaa.

Wasiiru-dowlaha oo aan dib u wacnay ayaa noo sheegay in uusan arrintan si cad uga jawaabi karin. Wuxuu ka gaabsaday in uu xaqiijiyo inay Docol ka mid tahay deegaannada ay gargaargka gaarsiiyeen. Laakiin wuxuu si guud u sheegay in deegaannada abaarta ka jirto oo dhan ay si toos ah u gaarsiiyeen marka laga reebo dhulka ay ammaan ahaan gaari waayeen oo ay u wakiisheen oday-dhaqameedyo iyo dad deegaannadaas ka soo jeeda. Nooma suuragalin in aan helno qof wakiilladaas ka mid ah si aan arrintan wax uga waydiinno.

Dhinaca kale, wasiir ku-xigeenka tamarta, biyaha iyo korontada ee Galmudug, ahna afhayeenka guddiga gurmadka abaaraha ee maamulkaas, Maxamed Nuur Diini ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay jirto lacag $200,000 ah oo guddiga qaranka ee gurmadka uu ku soo wareejiyay bishii May ee sanadkan. Lacagtaas saddex bilood ayay taallaa oo aan loo qeybin dadka u baahan. Arrintaas ayuu ku macneeyay in ay ka dhalatay isbeddel siyaasadeed oo ka dhacay Galmudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa noo sheegay in Axmed Ducaale Geelle oo horraantii May loo doortay madaxweynaha maamulkaas uusan ku qanacsaneyn sida loo maamulay gargaarkii hore, wuxuuna ka dalbanayaa guddiga inay caddeymo la xiriira howlahoodii hore keenaan si uu lacagta cusub u fasaxo. Laakiin Maxamed Nuur ayaa sheegaya in xitaa guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha uu safar ugu maqan yahay Kanada, wuxuuna rajeynayaa marka uu soo noqdo, madaxweynahana uu oggolaasho bixiyo inay gargaarka qeybin doonaan.

Cabdiraxiim Ciise Caddow oo ah madaxa warbaahinta ee guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in guddiyada heerka gobol ay dhaqaalaha ku wareejiyaan kaddib marka ay u soo gudbiyaan qiimeynta baahiyaha bani’aadannimo ee jira. Marka ay lacagta qeybiyaan kaddibna waxay dib ugu soo celiyaan warbixin faahfaahineysa baahiyaha ay deeqdu dabooshay iyo meelaha laga bixiyay.

Deegaannada uu gargaarka yar gaaray ee Galmudug waxaa ka mid ah Ceel-dibir oo Gaalkacyo u jira 180 km. Cismaan Faarax Cilmi oo ah aabbaha qoys lix qof ka kooban oo halkaas jooga ayaa Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegay in qoysas gaaraya 800 oo uu kiisa ka mid yahay uu bishii Juun guddiga gurmadka ee Galmudug ugu deeqay lacag gaaraysa $300, waxaana qoyskiiba ku aadday lacag ka yar $3.

“Waxay nagu noqotay lama filaan iyo niyad-jab. Aniga iyo dadka deegaanka waxaan rajo fiican ka qabnay deeqdaas, waqti badan ayaana sugeynay,” ayuu yiri.

Qoysaska deegaankan waxaa ku adag helista biyaha iyo cuntada. Ceelal-gacmeedyo sii guraya ayay ka dhaansadaan. Cismaan wuxuu sheegay in maalin gelinkeed ay ku qaadato sidii uu ceelashaas uga heli lahaa lix litar oo biyo ah, kuwaas oo uu sii kala miiro maaddaama aysan nadiif ahayn. Deegaankan oo aan wax roob ah helin muddo afar sano ah ayaa fuustada biyaha nadiifka ah lagu iibiyaa $10, waxaana looga soo dhaamiyaa deegaanka Xeero Dhagaxley oo u jira 56 km.

Post your comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here