Maxamed Cadceed Diiriye waa nin 52 jir ah, 12 carruur ah leh, waa qoys xoolo dhaqato ah oo ku nool galbeedka Dhuusmareeb, degaanka 30km u jira ayaa uu hadda ku soo barakacay isaga iyo 40 qoys oo kale, kadib markii xoolihii uu haystay ay kaga dhamaadeen abaarta. Weriyaha Ergo ee Nairobi Maxamed Xasan ayuuna uga waramay xaaladaha deegaanka ka jira.