Deeq raashiin ah oo ka koobneyd Bur, Sokor iyo Saliid ayaa shalay gudaha xarunta jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Kampala ee dalka Uganda loogu qeybiyay qaar ka mid ah naafada Soomaaliyeed iyo hooyooyin dan yar ah oo ku dhibaateysnaa halkaasi.
Deeqdaan oo ka timid hay`ad samafal oo xarunteedu tahay dalka Imaaraatka carabta lana soo marsiiyay hay`adda nabadda iyo horumarinta Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Uganda , ayaa waxaa ka faa`iideystay qoysas gaaraya 50 oo qaxooti ku ah dalkaasi.
Xuseen Abuukar Xasan, oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa Raadiyo Ergo uga warramay muhiimadda ay deeqdaasi raahsiin u lahayd qoysaskii ka faa`iideystay, xilli sicir barar dhanka cuntada ah uu ka jiro dalkaasi “ Qoysaska deeqdan la guddoonsiiyay waxay u badnaayeen dad naafo ah, iyo qoysas kaloo dan yar ah runtiina maaddaama dalkaan sicir barar uu ka jiro aad ayay u anfaceysaa deeqdaan dadka ka faa`iideystay.”
Cabdow Aweys oo ka mid ah dadka naafada ah ee deeqdaasi raashiin wax ka helay ayaa uga mahad celiyay samafalayaashii soo gaarsiiyay “ Alxamdulillaah, deeqdaan waxay ku soo aadday xilli aan aad ugu baahneyn waana uga mahad celineynaa walaalihii na soo gaarsiiyay.” Ayuu yiri Cabdow oo aad u faraxsan.
Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Uganda, kuwaasoo ka soo cararay dagaallada iyo abaaraha is biirsaday ee dalkooda ka jira.
Maxamed Ibraahim Raage/FM