Waxaa maanta oo talaado ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamanka Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa, xubnaha baarlamanka Soomaaliaya ee dhowaan la dhisay ayaa la filayaa inay doortaan hoggaan baarlamaanka oo rasmi ah xilli ay si weyn uga soconayaan magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaqyo la xiriira ololaha doorashada madaxtinimo ee la filayo inay bisha September qabsoonto.
Sida ay soo sheegayso weriyeheenna Nasro Cabdi Cusmaan, diyaargarow xooggan ayaa ka soconaya hoolka lagu wado inay doorashada ka dhacdo ee iskuul Boliisiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa la arkayaa xildhibaannada cusub oo ku sii qulqulaya dhismaha fadhiga baarlamaanka ee maanta lagu wado inuu ka dhaco.
Toddobaadkii hore ayaa waxaa sidoo kale sii xoogaysanayay ololaha musharraxiinta u taagan inay qabtaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka, kuwaasoo loollan adag ugu jira sidii ay taageero uga heli lahaayeen xildhibaannada.
Illaa 4 musharrax ayaa u tartami doona inay qabtaan xilka guddoomiyaha, halka ku xigeenka 1-aad ay u sharraxanyihiin 11 musharrax, ku xigeenka 2-aadna ay u taagan yihiin illaa 4 musharrax.
Doorashada hoggaanka cusub ee baarlamaanka waxay qeyb ka tahay barnaamijka Soomaaliya ay uga gudbayso kumeel-gaarnimada, iyadoo uu xigi doono doorashada xilka madaxweynaha oo isna ay loollan adag ugu jiraan musharraxiin tiradooda ay aad u badantahay.
Nasro Cabdi Cusmaan/MG/FM