Qoysaska xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanka Dagaari oo ka tirsan gobolka Mudug ayay saameyn ku yeelatay abaarta. In ka badan 2 sano oo oo halkaas uusan ka da’in wax roob ah waxay dhalisay in xoolo badan ay dhaafeen dadkii deegaanka.
Cabdiraxmaan Saciid Maxamuud, oo kamid ah dadka deegaanka Dagaari, oo nagala soo xiriiray lambarka farriinta gaaban ee bilaashka ah ee 2012, oo aan dib u wacnay ayaa iiga warbixiyay xaaladda deegaanka iyo sida ay isaga qoyskiisa u saameysay abaarta.