Axmed Macalin waa abwaan inta badan hal abuurkiisa ka sameeya waxyaabaha uu la kulmo tixihiisu waxay u badan yihiin kaftanka bulshada dhex deeda ah.
Wuxuu ku dhashay miyiga Buuhoodle qiyaasta 1950 kii isagoo miyiga kusoo barbaaray yaraantiisii. Markuu gaashaan qaad noqday ilaa 15 jir ayuu magaalada soo galay.
Axmed, mar uu u safray Burco, ayuu sheegay inuu ka waayay kabo la’eg oo uu xirto. Laakiin wuxuu sheegay in markii dabme uu Hargeysa u raadsaday kabo la eg.
Weriyaha Ergo ee Buuhoodle, Khadar Cawl Ismaaciil, ayaa abwaanka la kulmay wuxuuna kala sheekeystay qisadii kabahii uu u raadsaday Hargeysa iyo mar uu sanadii 1980 maadkii ku biiray ciidanka gaar ahaan bilayska iyo sidii ahayd.