Dhoofka xoolaha ee la dardargeliyay xilligan oo loo diyaar-garoobayo gudashada waajibka xajka ayaa rajo u abuuray dadka gobolka Bay ee sanadihii u dambeeyay ay xoolahooda saameysay abaarta. Ganacsigan waqtiga kooban jiraya ayaa horseeday sare-u-kac ku yimid qiimaha xoolaha, waxayna dad badan oo ay abaartu wiiqday ka caawisay helista dhaqaale fiican oo ay noloshooda ku maareeyaan.
Maxamuud Xuseen Cali, labo neef oo ari ah oo toddobaadkii hore uu seyladda geeyay waxaa laga siiyay SoSh3M ($130). Lacagtaas wuxuu ku iibsaday 50kg oo bariis ah, 50kg oo sokor ah iyo 20kg oo caleenta shaaha ah, taas oo uu Raadiyo Ergo u sheegay inay qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof nolol ugu filnaan karto bil iyo bar. Lacag yar oo u soo hartay waxay u goysay maacuun iyo dhar ay xaaskiisa iyo saddex ka tirsan carruurtiisa ku labbistaan maalmaha ciidda.
Afar bil ka hor neefka ariga ah wuxuu seyladda Baydhabo ka joogay lacag u dhaxeysa Sh500,000 ($22) ilaa Sh750,000 ($32.6). Lacagtaas waxay u goyn kartay qoyska Maxamuud raashin aan hayn karin wax ka badan labo toddobaad.
Xoolaha laga qaado seyladda Baydhabo waxaa laga sii dhoofiyaa magaalooyinka dekedda leh ee Boosaaso ama Berbera. Ganacsatadu waxay rajeynayaan in tobanka maalmood ee ugu horreeya bishan Carrafo ay dhoofiyaan 7,000 oo lo’o ah iyo 120,000 oo ari ah oo laga kala keenayo labada gobol ee Bay iyo Bakool.
Xoolahan oo lagu daabbulo gawaari xamuul ah ayay qeyb dhexda uga sii dhintaan mararka qaar sida uu noo sheegay Xuseen Cabdullaahi Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada xoolaha, taas oo uu u sababeeyay ciriiriga gaadiidka iyo waddada dhee. Saddex maalmood ayay ku sii jiraan waddada oo raf ah, dhirirkeedana uu ka badan yahay 1,500 oo km. Waxay sii maraan deegaannada maamul-goboleedyada Koonfur-galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Puntland ilaa Somaliland iyo deegaanno ay ka taliso Al-Shabaab. Dhammaantood waxaa looga qaadaa halkii neef canshuur u dhaxeysa nus doollar ilaa hal doollar
Sanad kasta xilliga xajka waxay Soomaaliya xoolo badan u dhoofisaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ganacsatada xoolaha, dallaaliinta iyo xoolo-dhaqatada ayay fursaddan isbeddel wanaagsan oo nololeed u tahay.
Weriyaha Ergo ee gobolka Bay ayaa ku soo warramaya in dhaqdhaqaaqa ganacsi ee lagu iibsanayo xoolaha uu yahay mid isku si looga dareemayo tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolladaas.