Tababarkan oo ujeeddadiisu aheyd sidii loogu wacyi gelin lahaa dadka beeralleyda ah ee ku dhaqan gobolka Bay iney ku dadaalaan wax soo saarka beeraha iyo inay ugu laabtaan deegaannada dhulbeereedkoodu ku yaalleen ee ay kasoo barakaceen sababo ammaan iyo abaaro dhacay awgood ayaa lagu qabtey magaalada Baydhabo.
Tababarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey aqoonyahanno deegaanka ah oo iskood isu abaabulay, markay arkeen dhibaatada haysata dadka, tababarkaan ayaa la qabtay 13 – 15 bishaan Juun.
Maxamed Aadan Qalinle waa xubin ka tirsan guddiga beeralleyda ee gobolka Bay, in beeralleydu ay ku dadaalaan qodaalka, ayna dib ugu noqdaan dhulkoodii ay ka barakaceen si ay uga qayb qaataan wax soo saarka waddanka, isagoo intaas ku daray iney jiraan beeralley colaado ay ka barakiciyeen deegaannadooda oo haddana ku dhibaateysan qaar ka mid ah gobollada dalka.
Xaawo Xasan Cumar oo ah haweenay beeralley ah oo ka faa’iidaysatay tababarkaan ayaa Ergo u sheegtay in caqabadaha ka haysta tacabka beeraha ay ka mid yihiin dhinaca waraabka iyo qalabka beeraha lagu qodo oo aad u liita tayo iyo tiraba, sidoo kalena dhinaca nabad gelyada ayaa iyana ah dhibaato ay qabaan beeralleydu.
Muxiyadiin Xusni/MH